25.4 C
Mogadishu
Tuesday, July 14, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Amiirka dalka Qatar + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan magaalada Doha ayaa maanta kulan la yeeshay Amiirka dalka Qatar, Tamiim Bin Xamad, isaga oo uga tacsiyeeyay geerida ku timid Aabihiisa, ahaana Amiirkii hore, Sheekh Hamad Bin Khalifa Al Thani.

Kulankan ayaa waxaa labada mas’uul ku wehlinayay mas’uuliyiin sare oo ka kala tirsan dowladaha Soomaaliya iyo Qatar, sida ay baahisay Wakaaladda Wararka Qatar ee loo yaqaano QNA.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dowladda iyo shacabka Qatar uga tacsiyeeyay geerida Amiirkii hore ee dalkaas, isaga oo u muujiyay garab istaag buuxa xilligan murugada.

Sidoo kale, waxaa lagu wadaa inuu ka qayb-galo aaskiisa oo ay Doha u tageen wafuud kala duwan oo ka kala socda waddamo badan, oo ay ka mid yihiin Sacuudi Carabiya, Isutegga Imaaraadka Carabta, Baxrayn, Kuwait, Cumaan, Ciraaq, Suuriya, Pakistan, Itoobiya, Kazakhstan, Maldives, Rwanda, Lubnaan, Marooko iyo Liibiya.

Dhinaca kale waxaa magaalada Muqdisho ka socda baroor-diiqda Amiirkii hore ee dalka Qatar, iyada oo dowladda Soomaaliya ay calanka hoos u dhigtay muddo saddex cisho ah, kadib amar kasoo baxay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxaa kale buug qaran oo tacsi ah laga furay safaaradda Qatar ee magaalada Muqdisho, halkaas oo uu maanta tegay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cali oo saxiixay buugga tacsida isla-markaana gaarsiiyay dhambaal tacsi tiiraanyo leh uu ka siday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed, taas oo ku aadan geerida ku timid Aabaha dhalay Amiirka Dalka Qatar ahaana Amiirkii hore Sheekh Hamad Bin Khalifa Al Thani. Wasiirka waxaa soo dhaweeyay Safiir ku xigeenka Dowladda Qatar u fadhiya Muqdisho, Dr. Cabdullaahi bin Saalem Al Nuceymi.

Allaha u naxariistee, Sheekh Hamad Bin Khalifa Al Thani ayaa dalka Qatar hoggaaminayay intii u dhexeysay 1995 illaa 2013. Intii uu talada hayay, wuxuu hormuud ka noqday isbeddello waaweyn oo dalkaas ka hirgalay, kuwaas oo sare u qaaday doorka Qatar ee gobolka iyo caalamkaba. Sannadkii 2013 ayuu Sheekh Hamad Bin Khalifa Al Than si iskiis ah xilka ugu wareejiyay wiilkiisa, Amiir Tamim Bin Hamad Al Thani.

Si kastaba, Dowladda Qatar ayaa hadda wada qaban-qaabadii ugu dambeysay aaska loo sameynayo Amiirkii hore, iyada oo ku dhawaaqday 4 maalmood oo baroordiiq ah oo ka bilaabatay shalay, sidoo kale waxay hoos u dhigtay calanka dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News