Sanca (Caasimada Online) – Kooxda Xuutiyiinta Yemen ee ay taageerto Iran ayaa sheegtay inay maanta weerar ku qaadday laba markab oo shidaal oo uu leeyahay Sacuudiga, kuwaas oo marayay Badda Cas. Tani waxay muujineysaa in xiisadda gobolka Bariga Dhexe ay gaartay heer aad u khatar badan.
Weerarkan ayaa imanaya iyadoo ciidamada Mareykanka ay habeenkii 12-aad oo xiriir ah duqeymo ka wadaan gudaha Iran. Xuutiyiinta ayaa sidoo kale ku hanjabay inay xannibi doonaan marin kale oo muhiim u ah ganacsiga caalamka, xilli dhaqaalaha dunidu uu wajahayo saameynta ka dhalatay xiritaanka Marin-biyoodka Hormuz ee Iran.
Arrintan ayaa dhalisay cabsi laga qabo in furin cusub ay ka furanto xiisadda sii xoogeysaneysa ee u dhexeysa Mareykanka iyo Iran.
Dhinaca kale, Iran iyo Mareykanka ayaa sii kordhiyay weerarrada ay isku qaadayaan, iyagoo ku loollamaya gacan ku haynta marin-biyoodka Hormuz, oo xilliyada nabadda ay mari jireen ku dhowaad shan-meelood meel shidaalka iyo gaaska adduunka. Xiisaddan ayaa dalal badan ku khasabtay inay raadiyaan marinno ganacsi oo beddel u noqda Hormuz.
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa ku hanjabay inuu qaadi doono “ciqaab milatari oo aad u culus” haddii Xuuthiyiintu sii wadaan weerarrada ay ku beegsanayaan maraakiibta.
“Haddii ay mar kale sidan sameeyaan, Mareykanku wuxuu Iran ula xisaabtami doonaa, maadaama Xuutiyiintu yihiin wakiillo iyo garab ay Iran adeegsato. Ciqaab milatari oo aad u culus ayaa lagu qaadi doonaa Iran iyo sidoo kale Xuuthiyiinta laftooda,” ayuu Trump ku qoray baraha bulshada.
Iyadoo hadallada kulul ay sii xoogeysanayaan, ayaa sidoo kale waxaa isa soo taraya saameynta dhaqaale ee ka dhalatay xiisadda. Qiimaha halkii foosto ee shidaalka Brent ayaa Khamiistii kor u kacay 4.3 boqolkiiba, isagoo gaaray 98.16 doolar. Waa heerkii ugu sarreeyay tan iyo horraantii bishii Juun, ka hor heshiis nabadeed hordhac ah oo labada dhinac gaareen, kaas oo markii dambe burburay.
Dhanka diblomaasiyadda, Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq, Cali Al-Zaidi, oo dalkiisu xiriir dhow la leeyahay Mareykanka iyo Iran ayaa Khamiistii gaaray magaalada Tehran si uu ugu baaqo nabad iyo wada-hadal, sida uu sheegay afhayeen u hadlay xukuumaddiisa. Al-Zaidi ayaa horraantii bishan kula kulmay Madaxweyne Trump magaalada Washington.
Dalalka Khaliijka ayaa sii luminaya rajadii laga qabay xal lagu dejiyo xiisadda, sababo la xiriira xasaasiyadda xaaladda taagan, sida uu shaaciyay diblomaasi Carbeed oo codsaday inaan magaciisa la shaacin. Wuxuu intaas ku daray in dalalka gobolka iyo sidoo kale Pakistan iyo Turkiga ay weli wadaan dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu doonayo in lagu yareeyo xiisadda sii kordheysa.

