Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyay jadwalka guud ee hawlaha doorashooyinka isku sidkan ee Golaha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada ee Dowlad-goboleedka HirShabeelle.
War-saxaafadeed ka soo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in jadwalkan uu yahay hagaha rasmiga ah ee dhammaan hawlaha doorashada, laga bilaabo diiwaan-gelinta iyo ansixinta musharraxiinta illaa maalinta codbixinta.
Sida ku cad jadwalka, diiwaan-gelinta iyo qaybinta foomamka codbixiyeyaasha ayaa dhammaan doonta 5-ta August, halka 7-da August la asteyn doono laguna dhawaaqi doono xarumaha iyo goobaha codbixinta ee doorashadu ka dhici doonto.
Guddiga ayaa sidoo kale shaaciyay in 8-da August la soo bandhigi doono liiska hordhaca ah ee diiwaanka codbixiyeyaasha. Intaas kaddib, 11-ka August ayay ururrada siyaasaddu soo gudbin doonaan liiska wakiilladooda ee goobaha codbixinta.
Sidoo kale, 15-ka August ayaa loo asteeyay soo gudbinta iyo xaqiijinta liiska musharraxiinta u tartamaya Golaha Wakiillada iyo goleyaasha deegaanka, halka 16-ka August la shaacin doono liiska kama dambaysta ah ee codbixiyeyaasha.
Jadwalku wuxuu kaloo tilmaamaya in 18-ka August la soo bandhigi doono liiska musharraxiinta ururrada siyaasadda, ka hor inta aan la gaarin maalinta codbixinta oo si rasmi ah loogu asteeyay 20-ka August 2026.
War-saxaafadeedka guddiga ayaa lagu adkeeyay in dhammaan ururrada siyaasadda, musharraxiinta iyo hay’adaha kale ee ay khusayso doorashadu ay u hoggaansamaan jadwalka iyo tilmaamaha uu guddigu soo saaray. Waxa kale oo guddigu ugu baaqay shacabka HirShabeelle inay si nabad ah uga qayb qaataan geeddi-socodka doorashada, iyagoo dhowraya shuruucda iyo nidaamyada u yaalla.
Guddiga ayaa sheegay in jadwalku ujeeddadiisu tahay in doorashadu u dhacdo si hufan, daah-furan, isla markaana waafaqsan shuruucda dalka. Si kastaba, shaacinta jadwalkan ayaa ku soo beegmaysa xilli doorashada HirShabeelle ay si weyn isha ugu hayaan dhinacyada siyaasadda iyo bulshada rayidka ah.
Doorashadan ayaa noqon doonta tijaabo muhiim ah oo lagu qiimeeyo hirgelinta nidaamka doorashooyinka isku sidkan, iyadoo la filayo in maalmaha soo socda ay dardar galaan diyaar-garowga ururrada siyaasadda iyo musharraxiinta ka qaybgalaya tartanka.


