Garoowe (Caasimada Online) – Dowladda Puntland ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay ku eedeysay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu wado dhaqdhaqaaqyo ciidan oo lagu hurinayo colaado, laguna wiiqayo nidaamka dowladnimo ee Puntland.
Warsaxaafadeedka oo ku taariikheysan 25-ka July 2026 ayaa Puntland waxay Xasan Sheekh ku tilmaantay “madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday”, iyadoo sheegtay inay si dhow ula socoto dhaqdhaqaaqyo ciidan oo maalmihii u dambeeyey ka socday qaybo ka mid ah deegaannadeeda iyo meelaha ku dhow.
Puntland ma aysan soo bandhigin faahfaahin buuxda oo ku saabsan ciidamada ay sheegtay in la abaabulayo, cidda hoggaamineysa iyo goobaha ay ku wajahan yihiin, balse waxay ku adkeysatay inay arrintan u aragto qorshe lagu dhaawacayo ammaankeeda iyo hay’adaha maamulkeeda.
“Dowladda Puntland waxay caddeyneysaa inaysan jirin ciidan la yiraahdo PSF oo si sharci ah uga tirsan ciidamada Difaaca Dowladda Puntland,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Maamulka ayaa sidoo kale sheegay inuusan aqoonsaneyn ciidamo ay Dowladda Federaalka diiwaangelisay oo gudaha Puntland ka sameynaya dhaqdhaqaaqyo aan oggolaansho ka haysan hay’adaha ammaanka ee maamulka.
Digniin loo diray Galmudug
Puntland ayaa digniin gaar ah u dirtay dowladda Galmudug, oo xuduud dheer la wadaagta, gaar ahaan gobolka Mudug oo magaalada Gaalkacyo ay labada maamul kala maamulaan.
Waxay Galmudug ugu baaqday in aysan garoomadeeda diyaaradaha iyo dhulka ay maamusho u oggolaan in laga soo gudbiyo saanad ciidan, hub iyo maleeshiyaad ay Puntland sheegtay in loo adeegsan karo weerarro ama qalqal-gelin ka dhan ah deegaannadeeda.
Puntland waxay ku doodday in labada maamul ay muddo dheer lahaayeen derisnimo wanaagsan, iskaashi amni iyo nabadgelyo ay bulshooyinka ku nool Mudug ku wada noolaayeen.
“Puntland waxay Galmudug ugu baaqaysaa inay ka waantoowdo in saanad ciidan iyo maleeshiyaad la soo mariyo garoomada iyo dhulka ay maamusho, kuwaas oo looga dan leeyahay in lagu dhibaateeyo shacabka reer Puntland,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Dowladda Galmudug iyo Dowladda Federaalka weli si rasmi ah ugama aysan jawaabin warsaxaafadeedkan iyo eedeymaha cusub ee Puntland.
Digniintan ayaa timid laba maalmood kaddib markii wasiir ku-xigeenka amniga Puntland, Cabdiraxmaan Yuusuf Dujaana, uu sheegay in Dowladda Federaalka ay hub soo gelisay magaalada Gaalkacyo, kaas oo uu sheegay inuu yaallo dhinaca ay maamusho Galmudug.
Dujaana wuxuu sheegay in Puntland ay hayso caddeymo ku saabsan hubka, isla markaana ay qaadi doonto tallaabooyin ay ku difaaceyso ammaankeeda. Dowladda Federaalka kama aysan jawaabin sheegashadaas, mana jirto cid madax-bannaan oo xaqiijisay hubka la sheegay in la geeyay Gaalkacyo.
Puntland ayaa sidoo kale maalmihii ugu dambeeyey ciidamo dheeraad ah geysay gobolka Mudug, iyadoo isbeddel ku sameysay hoggaanka cutubyo ka tirsan ciidamada Daraawiishta ee halkaas ka howlgala. Tallaabadaas ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo in xiisadda siyaasadeed ay isu beddesho isku dhac ciidan.
Dagaalkii Laag
War-saxaafadeedka cusub ayaa sidoo kale daba socda dagaal 20-kii July deegaanka Laag ee duleedka Boosaaso ku dhexmaray ciidamada Daraawiishta Puntland iyo ciidamo ka tirsan PSF.
Iska horimaadka ayaa qarxay markii ciidamada Puntland ay joojiyeen kolonyo PSF ah oo ka soo baxday Boosaaso, xilli maamulka uu horey u mamnuucay dhaqdhaqaaqyada ciidamada aan ka amar qaadan hay’adihiisa.
Ciidamada Puntland ayaa markii dambe la wareegay gaadiid dagaal, hub iyo askar ka tirsan PSF, halka ciidamadii kale ay lug kaga baxeen goobta. Wararka maxalliga ah ayaa tirooyin kala duwan ka bixiyey askarta la qabtay ama isa soo dhiibtay, balse Puntland waxay sheegtay inay si buuxda ula wareegtay deegaanka Laag.
PSF ayaa markii hore ahaa ciidan la-dagaallama argagixisada oo Mareykanku tababar iyo taageero siin jiray, balse xiriirka ciidankaas iyo maamulka Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa xumaaday tan iyo khilaafkii hubeysnaa ee Boosaaso ka dhacay dabayaaqadii 2021.
Xiisadda ayaa sii xoogeysatay markii mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka ay PSF ku dareen cutub cusub oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, arrintaas oo Puntland si adag u diidday, kuna tilmaantay faragelin lagu sameynayo nidaamkeeda amni.
Khilaafka amni wuxuu qayb ka yahay muran siyaasadeed oo ballaaran oo u dhexeeya Puntland iyo Dowladda Federaalka, kaas oo salka ku haya wax-ka-beddelka dastuurka, nidaamka doorashada, awood-qaybsiga iyo maamulka ciidamada federaalka ee ku sugan Puntland.
Puntland ayaa ugu dambeyn shacabka deegaannadeeda ugu baaqday inay ilaashadaan dhulkooda iyo dowladnimadooda, iyadoo ka digtay dhaqdhaqaaq kasta oo ay ku tilmaantay mid lagu qalqal-gelinayo ammaanka iyo xasilloonida maamulka.


