24.7 C
Mogadishu
Tuesday, July 28, 2026

Waqooyi Bari oo qaaday tallaabo la xiriirta maxaabiista Somaliland iyo xildhibaanadi…

Bookmark
Bookmarked

Share

Laascaanood (Caasimada Online) – Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo la xiriirta maxaabiista Somaliland ee weli ku xiran magaalada Laascaanood iyo Xildhibaannadii xalay iska casilay Baarlamaanka maamulkaas, kadib warsaxaafadeed ay soo saareen.

Xildhibaannadaas oo kala ah 1-Makhtal Siciid Maxamuud 2-Cabdisalaan Cabdillaahi Cabdiraxmaan 3-Sidiiq Jaamac Muuse 4-Axmed Cali Maxamed 5-Axmed Caabi Xasan, ayaa sheegay in maamulka uu ka leexday ujeeddooyinkii loo aasaasay, sidaas darteedna ay isaga casileen xububinnimadii golaha.

Baarlamaanka Waqooyi Bari ayaa maanta kulan aan caadi ahayn ka yeeshay arrinta 5-ta Xildhibaan oo lagu eedeeyay qiyaano qaran, iyaga oo kadib ku sameeyay maamuus ka xayuubin, waxaana ogolaaday 57 Mudane oo ka tirsan Golaha, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha Baarlamaanka, Mudane Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan.

Sidoo kale, Xildhibaannada ayaa ka shiray sida laga yeelayo maxaabiista gacanta ku jirta ee laga qabtay Somaliland, intii uu socday dagaalkii ka dhacay magaalada Laascaanood ee uu dhiigga faraha badan ku daatay.

Xildhibaan Maxamed Nuur oo ka tirsan Golaha Wakiilada Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa wareysi uu siiyay Telefishinka Universal ku faah-faahiyay kalankooda, wuxuuna farriin u diray shacabka oo uu ugu baaqay inay ilaashadaan midnimadooda, ayna muujiyaan feejignaan dheeri ah.

“Waxaa saaka halkan ka dhacay kulan aan caadi ahayn oo ku saabsan Xildhibaanno aan saaxib ahayn oo hadda aaday dhankaas waqooyi galbeed (Somaliland) sida ay xoguhu sheegayaan, waxaan bulshada halkan uga soo jeedineynaa in Xildhibaan tegay labo iyo saddex aysan macno lahayn, laakiin bulshada ay muujiyaan feejignaan iyo deganaan,” ayuu yiri Maxamed Nuur.

Sidoo kale, wuxuu Madaxweyne Firdhiye ugu baaqay inuu soo dhiso Maxkamadda Ciidamada, si maxaabiista loo soo saaro, looguna xisaabtamo dambiga ay galeen.

“Maxaabiistu waa maxaabiis dagaal lagu qabtay, waana maxaabiistii magaaladan dhibaateysay oo wixii la ogaa gaystay. Madaxweynaha waxaan ugu baaqeynaa in Maxkamadda Ciidamada uu soo dhiso, si loo maxkamadeeyo ragga xiran,” ayuu mar kale yiri Xildhibaanku.

Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa haatan waxaa kala furfur ku haysa Somaliland, iyada oo dhawaan ay tegtay Xildhibaan Fahiima Yuusuf Quuje oo maalmo kahor lagu soo dhaweeyay magaalada Hargeysa ee caasimada maamulkaasi.

 

- Advertisement -

Read more

Local News


Fatal error: Uncaught Error: Undefined constant "console" in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php:60 Stack trace: #0 [internal function]: dynamic_data_flow_filter('<!doctype html ...', 9) #1 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/functions.php(5493): ob_end_flush() #2 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(341): wp_ob_end_flush_all('') #3 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(365): WP_Hook->apply_filters('', Array) #4 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/plugin.php(522): WP_Hook->do_action(Array) #5 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/load.php(1308): do_action('shutdown') #6 [internal function]: shutdown_action_hook() #7 {main} thrown in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php on line 60