Nairobi (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa tallaabo ay Axaddii qaaday dowladda Kenya oo la sheegay in dalkeeda ay kasoo celisay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya, Mudane Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) oo shalay ka dagay garoonka diyaaradaha ee Nairobi.
Wasiirka ayaa lagu soo warramayaa ‘in Kenya ay u diiday inuu gudaha u galo caasimada dalkaas’ waxaana dib loogu soo celiyay Soomaaliya, taas oo dhalisay hadal-heyn xooggan.
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sababta ka dambeysa go’aankan, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in Abshir Bukhaari uu watay Baasaboorka Kenya, isla markaana loo arkay inuu ku qaatay qaab shari darro ah, halka kuwa kalena ay sheegayaan inuu baal maray nidaamka waaxda socdaalka ee dalkaasi, sidaas daraadeedna looga soo masaafuriyay Kenya.
Dhacdadan ayaa si weyn u qabsatay baraha bulshada iyo warbaahinta, kuwaas oo falalqeynaya soo celinta Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya, Abshir Bukhaari oo aad ugu dhow Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Illaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay labada dowladood oo ku aadan dhacdadaasi ka dhalatay is hortaagga lagu sameeyay wasiirka.
Sida ay ogaatay Caasimada Online, dowladda Soomaaliya ayaa haatan wadda baaris dheeraad ah oo ku aadan waxa sababay in lasoo celiyo wasiirkeeda, waxaana loo yeeray safiirka Kenya u fadhiya gudaha magaalada Muqdisho, si wax looga waydiiyo tallaabada ay qaaday dowladdiisa.
Horay waxaa marar kala duwan dalka Kenya looga soo celiyay mas’uuliyiin Soomaaliyeed oo qaarkood xilal ka haya Dowladda Federaalka, iyada oo dowladda Kenya ay sababo kala duwan dalkeeda ugu diiday mas’uuliyiintaas.
Si kastaba, Soomaaliya iyo Kenya oo ah laba dal oo daris ah ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir wanaagsan, waxaana si toos ah u macaamila labada madaxweyne, Xasan Sheekh Maxamuud iyo William Ruto oo horay kulamo ka duwan u yeeshay, kuwaas oo looga hadlay iskaashiga labada dowladood.

