24.7 C
Mogadishu
Monday, July 27, 2026

DF oo u yeertay safiirka Kenya kadib bahdilkii wasiirrada

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u yeertay safiirka Kenya u fadhiya magaalada Muqdisho, iyadoo lagu wado inuu maanta oo Isniin ah hortago Wasaaradda Arrimaha Dibadda, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Yeerista safiirka ayaa u daaran si looga wada-hadlo arrinta wasiirro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya oo la sheegay in laga hor istaagay inay galaan magaalada Nairobi, isla markaana laga soo celiyay Jomo Kenyatta International Airport (JKIA).

Ilo ku dhow Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda ay safiirka Kenya ka dalban doonto sharaxaad rasmi ah oo ku saabsan dhacdada iyo sababaha keenay in mas’uuliyiin Soomaaliyeed oo xilal sare haya loo diido gelitaanka dalka Kenya, iyadoo arrintan loo arko mid saameyn ku yeelan karta xiriirka labada dal.

Dowladda Soomaaliya ayaa weli soo saarin war-saxaafadeed faah-faahsan oo ku saabsan dhacdadan, halka dowladda Kenya ay sidoo kale ka aamusan tahay wararka la xiriira in wasiirrada Soomaaliyeed laga celiyay garoonka diyaaradaha ee Nairobi.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya uu wajahayo marxalad xasaasi ah, iyadoo labada dal ay ka wada shaqeynayaan arrimo la xiriira amniga, ganacsiga iyo iskaashiga gobolka, balse ay mararka qaar soo kala dhex galaan khilaafaad siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed.

Waxaa la filayaa in kulanka maanta dhexmaraya Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Safiirka Kenya uu door muhiim ah ka ciyaaro caddeynta dhacdadan iyo dejinta xiisadda ka dhalatay, iyadoo indhaha lagu hayo tallaabooyinka ay labada dowladood qaadi doonaan saacadaha iyo maalmaha soo socda.

Dowladda Kenya ayaa Axaddii dalkeeda kasoo celisay Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya, Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) oo ka dagay garoonka diyaaradaha ee Nairobi. Wasiirka ayaa lagu soo warramayaa ‘in Kenya ay u diiday inuu gudaha u galo caasimada dalkaas’ waxaana dib loogu soo celiyay Soomaaliya, taas oo dhalisay hadal-heyn xooggan.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sababta ka dambeysa go’aankan, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in Abshir Bukhaari uu watay baasaboorka Kenya, isla markaana loo arkay inuu ku qaatay qaab shari darro ah, halka kuwa kalena ay sheegayaan inuu baalmaray nidaamka waaxda socdaalka ee dalkaasi, sidaas daraadeedna looga soo masaafuriyay Kenya.

Dhacdadan ayaa si weyn u qabsatay baraha bulshada iyo warbaahinta, kuwaas oo falalqeynaya soo celinta Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya, Abshir Bukhaari oo aad ugu dhow Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Si kastaba, horay waxaa marar kala duwan dalka Kenya looga soo celiyay mas’uuliyiin Soomaaliyeed oo qaarkood xilal ka haya Dowladda Federaalka, iyadoo dowladda Kenya ay sababo kala duwan dalkeeda ugu diiday mas’uuliyiintaas.

- Advertisement -

Read more

Local News


Fatal error: Uncaught Error: Undefined constant "console" in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php:60 Stack trace: #0 [internal function]: dynamic_data_flow_filter('<!doctype html ...', 9) #1 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/functions.php(5493): ob_end_flush() #2 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(341): wp_ob_end_flush_all('') #3 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(365): WP_Hook->apply_filters('', Array) #4 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/plugin.php(522): WP_Hook->do_action(Array) #5 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/load.php(1308): do_action('shutdown') #6 [internal function]: shutdown_action_hook() #7 {main} thrown in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php on line 60