24.7 C
Mogadishu
Tuesday, July 28, 2026

Wasiir Jaamac oo la heshiiyay ninkii sheegay inuu ka dhacay kursiga

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo sidoo kalena ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa maanta la heshiiyay Isaaq Cali Subag oo ay hore u dhexmartay xiisad siyaasadeed.

Isaaq ayaa hore ugu eedeeyay Wasiir Jaamac inuu ka dhacay kursiga tirsigiisu yahay HOP#204, kaas oo bishii April guddiga doorashooyinka qaranka ay sheegeen inuu ku guuleystay Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Wasiir Jaamac oo caawa soo saaray qoraal kooban ayaa shaaciyay in isaga iyo Isaaq ay ka heshiiyeen xurguftii siyaasadeed ee dhexmartay. Labada nin oo isku deegaan ah ayaa hore iskugu seegay kursiga HOP#204, taas oo haatan la soo afjaray.

“Waxaan maanta magaalada Muqdisho Kulan islaab xaarasho ah ku yeelaney walaalkeey Isak Cali Subag oo naga dhexeyso wax ka weyn siyaasad,” ayuu yiri Wasiir Jaamac oo baahiyay sawirka isaga iyo Isaaq oo is gacan qaadaya.

Waxa uu intaas kusii daray: “Is-cafin iyo islaab xaarasho kadib, waxaan isla garaney in si wadajir ah uga wada shaqeyno midnimada iyo wada jirka dalka si gaar Beesha aan ku matalo Kursiga HOP#204.”

Wasiir Jaamac ayaa qoraalkiisa kusoo xiray: “Doqoni meeshii lagu dagaallay ayay ogeyd, meeshii lagu heshiiyeyna ma oga.”

Arrintan ayaa imaneysa xilli Xildhibaan Jaamac uu u sharaxan yahay kursiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka, kaas oo uu baneeyay Sheekh Aadan Madoobe kadib markii uu noqday hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed.

Jaamac ayaa taageero weyn ka helaya Villa Somalia oo dooneysa inay ku guuleysato kursigaas, si uusan uga bixin gacanta shaqsiyaadka daacadda u ah Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

- Advertisement -

Read more

Local News


Fatal error: Uncaught Error: Undefined constant "console" in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php:60 Stack trace: #0 [internal function]: dynamic_data_flow_filter('<!doctype html ...', 9) #1 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/functions.php(5493): ob_end_flush() #2 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(341): wp_ob_end_flush_all('') #3 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(365): WP_Hook->apply_filters('', Array) #4 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/plugin.php(522): WP_Hook->do_action(Array) #5 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/load.php(1308): do_action('shutdown') #6 [internal function]: shutdown_action_hook() #7 {main} thrown in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php on line 60