Xog iyo Gorfeyn: Haddii Sheikh Xasan Dahir la sii daayo, maxaa dhici doona?

Sadaashu Mareebano sadkuna waa halkiisii,samaha iyo  xumaantuba way is hareera socdaan,Siyaasiyiinta siyaasada Somaaliya  udhuun daloola  fikir ahaan   way ku kala duwanyihiin  xaalada Sheekh xasan  lakiin waxay isku waa faqeen  arimo badan  sidan 2+2=4 Hadii Labo lagu daro waxay la mid tahay afar  way cadahay,Haduu Gabalku dhaco in ay habeenimo  tahay  way cadahay,Haduu roob yimaado in dhulka uu qoyaan noqonayo way cadahay, Hadii la- adimo in salaada la dukanayo way cadahay,Hadii aad dhimato in aduunka aad ka dhamaatay way cadahay,Asalaamu calaykum waxaa ku xigo waa Wacalaykuma salaam,way cadahay.

Tusaalooyinkaan iyo kuwa lamidka ahba waxay qolooyinkaan  usoo qaateen cinwankeena kore ee ah Sadaasha   hadii Sheekh xasan la sii daayo maxaa dhacaayo???? Way cadahay

 Dadka udhuun daloola arimaha Somaaliya lana socoday isbadalka somaaliya si hoosane ula socdo xaaladda Somaaliya,Aqoon Durugsana uleh Sheekha Xasan, Waxay  yiraahdeen hadii sheekha lasiidaayo waxaa dhacayo arrimahan hoose

1-In xasiloonida yar ee hada jirto in ay si toos ah u bur-burayso

2-in Qolada Sheekh xasan uu ka dhashay ay dadka ku dili doonaan  iyagoo shaar  Diimeed huwan,   taargad-kooduna waxa uu noqon doonaa intii taageersan Dowlada iyagoo toos ubeegsan doono  Qolada uu ka dhashay Madaxweyne xasan  .

3-Madaxweyne xasana Qoladiisuna waxay ku howl geli doontaa Shaar Dowladeed  iyagoo bar tilmaamaysan doono Qolada shiikha iyo inta taageersan Sheekha

4-waxaa dhici karto in si sahal ah loo galo dagaal ahli ah kaas oo oo ummado badan jalaafan karo

5- in beesha caalamku ay kal soonida Dowlada kala noqdaan maadaama Sheekh xasan uu ku jiro liiska dadka ay calaamku baadi goobka ugu jiraan

Qolooyinka kale ee iyagu siyaasada Somaaliya geeska kale ka eego waxay qabaan fikir kale.

1-      Dowladu ma sii daynayso maxaa yeelay hadii ay sii dayso  way ujeedaa xasan in uu yahay nin aan ku qancaynin gurigaada iska seexo halkaas nabad ku joog oo waxay leeyhiin  Sheekh xasan waxaa uu lee yahay Waa Dagaalamaa Ideey ,Dadka aan Dilee ideey,Dam- Dam  ayaan ahee ideey,

Madax weynahana waxa uu leeyahay Duqiyoow Dukee Ducayso, Dad waa dhamaadee Dadkaada dhinac karaac.

2-      Sababta labaad aan loo sii dayn doonin waxay leeyihiin  hadii lasii daayo waxay la mid tahay Madaxweyne xasan in uu isaga istoogtay oo bistoolad uu madaxa isaga toogtay maxaa yeelay  dowladiisa ayaa halkaas ku dhacayso oo cid kale oo sharciga la hor keeni doono ayaan jiri doonin taana waxay la micno tahay Dowlad majirto. Xasan iyo xukunkiisuna uu halkaas ku soo gabo gaboobayo.

3 – Sheekh xasan Milatari ahaan  hadda xaalkiisu waa hooseeyaa inta Taageertana  qof  walbo hada lafihiisa ayuu la baqaa  sababtoo ah dhaqaalo yari iyo maanta caalamka ayaa arimaha somaaliya indhaha ku hayo, Tujaartii taageeri jirtay mid walbo waa la taraakin-gareeyaa maanta xitaa dhaq dhaqaaqooda ayaa laga warhayaa, xitaa safaradooda ayaa lala socdaa oo sheekh xasan dhaqaalo iyo milatariba xagaasi waa uu ka liitaa, Meelihii uu hubka ka heli jirayna sida Dowladii Eratareeyana waxaa culees  saaray caalamka.

4 – Madax weynuhu haduu deeyo waxaa cadaanayso, koow in Hawiye Dowladnimo uusan rabin  labo in Madaxweynuhu ay lug ulaabantahay xantii lagu xamanaayayna ee ahayd in uu ku jiro urur Diimeed  ayaa cadaanayso , sidaas ayayna caalamku ku kala tagi  doonaan,Madaxweynuhu haduu   sheekhu  sii daayo isagaa baxar kujira.

5 – Dowladaha Deriska aynu nahay oo dhan  Sheekh xasan  lama soo marsiin Karo  taana waa arin dhibteeda leh oo aan la dhayalsan Karin.

6 – Go’ aanka kama danbeesta ah waxaa leh Amisom, Dowladu waa Dowlad ku dhisan taageerida AMisom,qubaradaani waxay leeyihiin  hadii nabad Muqdisho ay noqoto howshii amisom ujoogtay xamar way dhamaanaysaa marka ma doonayaan in mashruucaan uu ka dhamaado marka sii deeynta sheekha dan bay u arkaan way hubaan sheekha hadii lasii daayo in uu maalinka xigo xamar Dagaal noqonayo iyagana howshooda ay  micno uyeelanayso , waxaa laga yabaa xitaa inay hubka fud-fudud siiyaan Amisom sheekha si uu u bilaabo dagaalada ee mashruuca muqdisho uu unoqdo Faanoole fari kama qodna.

CIIDANka AMISOM

Qubaradani waxay yiraahdeen ciidan ahaan lama dhayalsan karo xag walbo maxa yeelay waa ciidan loojistikada ka dhisan waxaana ka taageero Ciidamada Naato oo xagaasi kama cabsi qabaan , Cilmiladana kama baqaanoo waa qolo kuleylka u adkaysankarto,  waana ciidamo diyaarsan xag walbo caalamkuna  taageerayo , ilaa ula jeedkii lookeenay lagaaro, ulajeedkuna ma  sahlano in laga faalooda cid hada sahal ugaran karto ma jirto marka laga reebo kheyraadka Dalkeena laga rabo iyo goobta dhulkeenu uu maabka  Dunida uu  kaga yaalo intaa iyo wax ku dhow dhow baan qiyaasi karnaa lakiin arintu  way ka sii fogtahay

Madax weyne Hasan

Waa nin  Dal & Dad baaba san  ayaa loo dhiibay, isagoo siyaasada ku cusub , la taliyaalkiisuna ay liitaan, Saxiibkiisa iyo cadowgiisana aan weli  kala garan, culeesyo dhaqaale & mid  milatari wuu jiraa, laakiin guul waxa uu ka gaaray siyaasada Arrimaha Dibadda.

Waxay leeyihiin laba talaabo haduu qaado waa guulaysanayaa Siideynta Sheekh xasan,haduu talaabooyinkaan uusan samaynin uu iska sii daayo Sheekh xasan alaha unaxriisto waa ku daayay isagaa god  isku tuuray. Hadii ay talada ku soo dhamaato in aad sii dasyo sheekh xasan waxay leeyihiin waxaan siinaynaa Labadaan Tallo ee uu dib uga faaiidi doono  in uu sameeyo Madaxweynaha.

Tallada koowaad Ragii ka qaybqaatay dagaaladii sokeeye oo dhan  ee joogo Goobaha ay Dowlada gacanta ku hayso in sida u dhaqsiyaha badan loo soo taago Maxkamad cadaalad ah, kuwa jooga Gobolada aysan Dowladu maamulina waa in ay liis ahaan Maxkada ugu soo gudbisaa  iyagoo ka maqan, xukuna lagu ridaa, kuwa Qurbaha joogana ay Dowladaha ay la joogaan u soo gudbisaa liiskooda  kana codsataa  in Dalka dib loogu soo celiyo maadaama  Dowlada Somaaliya la aqoonsanyahay.

Tan labaad  Sheekh xasan  sii dayntiisa iyo waxa ay kula heshiiyaanba hal qodob ayaa muhiim ah in uusan dagaal iclaamin Karin kana qayb qaadan Karin ee cajalad halaga  duubo  caalamka oo dhana marqaati ha ka noqdaan,oo si toos oo Live TV Qaran halooga sii daayo.

Arinkan waxay Tusaale uga soo qaateen wadanka CHAD  arinkii kadhacday ee dhexmartay Hussein Habri & Kukunie wadeey oo markii danbe  Hussein habri heshiis lagay Dowladii kukuuni-wadeey Kadibna  TV5  ee Faransiiska arinku qayb ka qaatay taas ayaana maanta marqaati ku ah oo maxkamad caalami ah ayuu ku sugayaa Marqaati waxaa ku ah cajaladii laga duubay.

 Sheekh xasan marqaati halooga dhigo TV Qaranka ,ummadda Somaaliyeed  & Beesha Caalamka, waa hadii uu yeelo in uu yeelayo loo malaynmaayo sababtoo ah waxa uu damac sanyahay  waa uu ogayahay,haduu yeelo taasna waxay noqonaysaa  heshiiska lagu sii daayo haduu  ka baxana  in lagu maxkamadeeyo, Taageerayaashiisuna  ay ku qancaan waloow aysan qancaynin sida qubaradu ay sheegeen ilaa uu ka noqdo madax weyne  maqan-cayaan.

Saadaashu waxay tahay Mugdi & Mashruucyo badan oo is dhinac yaalo Sheekhu inta uu noolyahay waxay u badan tahay in uu Dagaal ku dhameesto ama in uu xabsi kujiro, ama in uu noqdo ugu danbeenta Madaxweyne oo ah Daawada sheekhu ku caafimaadi karo, Lakiin qubaradu waxay yiraahdeen taageerayaashiisu 56% marabaan Dowlad, nidaam iyo  kala danbeen maxaa yeelaya 2004 Dowlad bay heleen ee uu hogaaminaayo Dr Cabdi qaasim  wayna  diideen sababahaasina weli way taaganyihiin  haduu sheekhu madaxweyne noqdo la arki doonee sida xaal noqdo.

W/Q: Mohamed Adkeeste 

adkeeste@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online