Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Turkey ayaa sheegtay inay sii wadi doonto taageerada ay u fidiso Soomaaliya, si loo xaqiijiyo horumarrada kala duwan ee ka billowday dalka.
Shirkadaha Cetin Group iyo Kosuva ayaa la sheegay inay sii wadayaan dib u dhiska ay ka wadaan garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee Muqdisho, halka wakaaladda horumarka iyo xiriirka caalamiga ah ee Turkey ay dhiseyso waddo 23 km ah oo garoonka ku xiraysa magaalada Muqdisho.
Dhismaha cusub ee labada shirkad ay kusoo kordhinayaan garoonka Aadan Cabdulle ayaa la sheegay in sanadkii ay isticmaali karto 1.8 milyan oo qof.
Wasiirka arrimaha dibadda Turkey Ahmet Davutoglu ayaa sheegay in kooxaha argagixsada ah ay hor taagan yihiin horumarka Soomaaliya, laakiin ay sii wadi doonaan taageerada ay u fidinayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliya.
Dowladda Turkey ayaa la sheegay in qiyaas ahaan 400 oo milyan oo doollar ay ku bixineyso gargaarka iyo horumarka Soomaaliya.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]