31.9 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Axmed Madoobe iyo Kismaayo (Muxuu wadaa hogaamiyaha Jubba?)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose, ayaa sheegaya in habeenkii xaley kulan ka dhacay magaalada looga hadlay siddii loo soo dhameestiri lahaa maamulka kumeel gaarka ee Jubba.

Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay Axmed Madoobe iyo odayaasha beelaha degga gobalada Jubbooyinka iyo Gedo,

Sida illo xog-ogaal ah u sheegeen Shabakadda Caasimada Online, kulanka waxaa looga hadlay in qaab awood qaybsi loogu soo xulu inta dhimman maamulka Jubba sida golaha baarlamaanka iyo golaha wasiiradda.

Axmed Madoobe ayaa u sheegay odayaasha iyo wax-garadka fadhiyay kulanka in maamulkiisa uu doonayo siddii loo soo dhammeestiri lahaa maamulka kumeel gaarka.

Wuxuu kaloo sheegay hoggamiyaha maamulka Jubba in cid kasta oo degta seddax gobal ay ka dhex muuqan doonaan maamulkiisa.

Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa odayaasha uga warbixiyay heshiikii ka dhacay Addis Ababa, wuxuuna sheegay in uu heshiiskaas uu ku soo dhammaaday guul iyo is-afgarad.

Si kastaba, Axmed Madoobe oo shaley ku laabtay magaalada Kismaayo kaddib markii uu dhowr cisho ka maqnaa ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu soo dhammeestiro maamulka Jubba.

Magaalada waxaa ka socda kulamo looga hadlaayo dhammeestirka maamulka kumeel gaarka ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News