Muqdisho (Caasimada online) Helicopter ah ayaa goor dhaw waxau garoonka Diyaaradaha Muqdisho ka qaaday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo la tilmaamay in Markab Dagaal Dushiisa uu kulan kula qaadanayo Wafuud Caalami ah.
Diyaaradaha Helicopterka ah oo tro ahaan gaaraya Labo Diyaaradood ayaa sida la tuhun san yahay kasoo dul haaday Markabkan dagaal oo sida la sheegfay ku sugan Xeebaha muqdisho ku hareereysan .
Wararku waxay sheegayaan in Markabkan dagaal Dushiisa uu Madaxweyne Xasan kulan kula qaadanayo Saraakiil ciidan oo sida la rumeysan yahay ka tirsan ciidamada la dagaalanka Kooxaha Burcada Badaha Soomaaliya ee Midowga Yurub iyo NATO.
Warar hoose oo ay heshay Caasimada online ayaa sheegaya in Kulankaas looga wada hadlayo arrimaha ammaanka xeebaha, la dagaalanka burcad badeedka iyo Sidoo kale Shirka arrimaha Arimaha Soomaaliya looga hadlayo ee Bartamaha Bishan ka furmaya magaalada Brusulles ee dalka Belgium.
Xeebaha Soomaaliya waxaa ku sugan Maraakiib badan oo kuwa Dagaalka ah kuwaas oo laga leeyahay dalal Badan oo caalamka ah , iyadoo taasi loo sababeynayo inay dagaal kula jiraan Bucada Badaha Soomaaliya.
Xeebaha Soomaaliya ayaa la sheegaa inay ka mid yihiin xeebaha ugu qatarta badan Caalamka waxaana marinbiyaadyada Badda Cab iyo Badweynta Hindiya maraakibta isticmaasha ay walaac xoogan ka muujinayaan burcad Badeedda Soomaaliyeed, kuwaas oo xilliyda qaar afduub ka geysta goobo ka baxsan xeebaha Soomaaliya
Caasimada online
Xafiiska Muqdisho