25.8 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Daawo: S/L: 2 milyan oo laaluush ayaan BF Somalia uga heli karnaa aqoonsi

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland, ayaa sheegtay in hadii ay iskaashadaan Maamulka iyo Ganacsatada ay iibsan karaan  ictifaarka ay raadinayaan mudada 22-ka Sano ah ee bur burka Soomaaliya xilligaas oo ay sheegeen inay Midnimadii kala laabteen Somalia inteeda kale .

Mas’uul ka tirsan Somaliland Wuxuu sheegay inay jiraan dalal dhowr ah oo tiro ahaan dadkoodu ay ka yar yihiin Somaliland hadana caalamka aqoonsi ka heysta , isagoo tusaale usoo qaatay dalka Swerland oo uu sheegay in dhul iyo Shacab ahaanba ahaanba uu aad uga yar yahay Somalialnd Balse helitaanka Aqoonsigooda ay ku bixiyeen qarashaad badan.

Baarlamaanka Soomaaliya ayuu sheegay inay iibsan karaan hadii ay bixiyaan Labo Million oo doolar (2,000,000) oo doolar si ay ictiraaf ay u helaan .

Mas’uulka ka tirsan Maamulka Somaliland wuxuu sheegay inhadii Maamulka iyo ganacsatada Somaliland ay iskaashi Buuxda sameeyaan ay caalamka ka iibsan karaan Ictiraafka  raadin tiisa sanadaha badan qaatay ee ay doonayaan.

“laba Million oo doolar (2000,000) oo doolar hadii aynu Bixino Xukuumadda iyo Ganacsatadeenu waanu iibsan karnaa ictiraafka aan raadineyno, Xitaa waxaanu iibsan karnaa Baarlamaanka dowlada Federaalka Soomaaliya” ayuu yiri  Mas’uulka u hadlay Somaliland

Soomaaliland ayaa sheegta inay Soomaaliya inteeda kale ka go’day Sanadkii 1991-kii xilligaas oo ay burburtay dowladii dhexe ee Soomaaliya , waxaase jira dadaalo lagu doonayo in markale dib loogu soo celiyo Midnimadii Waqooyi iyo Koonfur inkastoo Somaliland ay wali ka caga jiideyso.

Halkan ka daawo

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News