DHAGEYSO: Safiirka UK ee Somalia oo Af-Somali dadka uga qoslinaya

Muqdisho (Caasimada Online) – Neil Wigan, Safiirka Soomaaliya uqaabilsan dalka ingiriiska ayaa ka yaabsaday ka qeyb galayaasha Shirka geedi socodka siyaasadda Soomaaliya  ee ka soconaya Muqdisho, isagoo arimo dhowr ah ka hadlay.

Danjiraha ayaa ugu horeyn qudbadiisa ku bilaabay afka Soomaliga isagoo salaanta Islaamka ku salaamay dhamaan ka qeyb galayaasha shirka Maalintiisa Afaraad Maanta ka Socda Muqdisho , waxaana Mudo Kooban uu ku hadlay Luqadeena hooyo ee Soomaaliga ah .

Mr’ Wigan, Wuxuu sheegay inuu Soomaaliga ku hadli karo inbadana uu ka yaqaan ku hadalkeeda Balse wali ay wax ka dhiman yihiin , isagoo sheegay in uusan wanaagsaneyn Heerka ku hadalka Afka Soomaaliga .

Furitaanka qudbadiisa ayuu Afkeena hooyo wuxuu ku yiri ” Waan ku faraxsanahay inaan Imaado Shirkaan, Afsoomaaligeyga ma wanaagsana , waxaan jeclahay inaan af Ingiriis ku hadlo”  waxaana Mar qura goobta Shirka is qabsaday Sacab iy qosol isku darsan .

Ajaaniib Badan ayaa hore waxay usoo bandhigeen sida ay u yaqaanaan Afkeena hooyo ee Soomaaliga ah , kuwaas oo inta badan Soo bandhiga , waxaana dad badan ay sheegaan in Afka Soomaaliga uu yahay Afka ugu adag Sida aqoon yahano badan ay shaaciyeen .

Halkaan hoose ka dhageyso Shactirada Neil wiganSafiirka Soomaaliyaee ingiriiska

Halkaan ka dhageyso Ambassador Neil Wigan

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com