Kampala (Caasimada Online) – Wareysi uu siiyay Wargeyska The Observer ee ka soo baxa dalka Uganda, Taliyaha ciidamada Lugta ee dalka Uganda ayuu ku sheegay in Soomaaliya ay weli u baahan tahay ciidamo nabad ilaalin ah oo ka socda Midowga Afrika.
Wuxuu sheegay in ciidamada AMISOM ay hadda ku sugan magaalooyin ka baxsan caasimada Muqdisho, isagoona sheegay in magaalooyinkaas ay ka mid yihiin Baydhabo oo 250km u jirta Muqdisho, Marka oo 104km u u jirta iyo Jowhar oo Muqdisho jirta 100km
Wax wax laga weydiiyay taliyaha ciidamada lugta ee dalka Uganda sida ay suuragal u tahay in ciidamada hadda jooga Soomaaliya ee ka socda waddamada Uganda, Burundi, Kenya, Djibouti, Sierra Leone in ay ku filan yihiin ammaanka
Wuxuu sheegay in Midowga Afrika iyo Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ay codsadeen in la kordhiyo ciidamada AMISOM, balse weli jawaab lama hayo ayuu sheegay,.
Sidoo kale waxaa wax laga weydiiyay in lix sanno kaddib Uganda doorka ay ku lee dahay xaalladda ammaanka waddamada gobalka.
Wuxuu sheegay Uganda in ay ku faaneyso kaalinta ay ka qaateen nabadeenta waddanka Soomaaliya iyo waddamo kale oo ku yaalla gobalka.
Wuxuuna tilmaamay in tallaabadaas ay waajib ku tahay si u caawiyaal walaahood Afrika.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Kampala

