(Sheekadan aan idiin soo gudbinayo, oo xanuunka leh, gabdhaha Soomaaliyeedna digniin WEYN u ah waxaan ku leeyahay oo keliya xoogaa inaan naash naasho, ama xuruufta qaar isku toosiyo. Waxaanan ugu magac daray (Tallaabooyinkii Sheydaanka). Waxaa ii soo qortay gabadha qisadu ku dhacday, oo iga codsatay inaan dadka gaarsiiyo si ay uga digtoonaadaan. Waa Tallaabooyin gabdho iyo wiilal badan ay ku hodmeen, qoomama badan iyo oohinina ka dambaysey..Markii sharciga xuduuda ragga iyo dumarka u kala dejiyey la fududaysto.. Waxaan aaminsanahay nimanku hadey gabar cidla ka helaan, waa dhurwaa neef cidla ka helay, laakiin midna si naxariis leh oo sharciga waafaqsan ayuu u ugaarsadaa, midna si horor nima ah ayuu gabdhaha u warjeefaa.
Inkastoo ay jiraan dumarka qaar iyaguba sida dhaddigga libaaxa wax u dila, sida gabar maalin igu tiri: Sheekhow niman badan ayaan khiyaamay oo intey i shukaansadeen markii dhareerku ka daatay aan lacag badan ka jabsaday kadibna xarigga u jaray.. Hadana waxaa ila badan dhurwaaga ragga ah ee gabdhaha intuu isu miskiiniyo, meel cidlaa ku dila. Dhibaatadu waxa weeye ninka lacagta laga cunay waaba soo kaban karaa, laakiin gabadha jawharadeeda lagu ciyaaro xagee ayey kasoo kabaneysaa!! Bal sheekadaan u fiirsada gabdho iyo wiilalba, kana feejignaada tallaabooyinka sheydaanka inaad raacdaan).
Asalamu Calaykom Warahmatulahi Wabarakatu
shiikhooow waxaan kuu soo dirayaa qisadayda, wallaahi thuma wallaahi hadadan aan soo qorayo waan ooyaya ,waxaan raba inaad cibro uga dhigto gabdhaha somali dhamaan, wax badan baa cibro qisa ah la arkay, laakiin taydu wa ka duwantahay, waxaan ahay gabar soomaali ah oo 23 jir ah ,waxaan ku noolahay hada magaalda…..,qisadaydu waxeey bilaabantay markaan ahaa 18 jir, shan sano ko hor, waxaan ahaa gabar diin jecel, oo aad u diin jecel, waxaan ahaa gabar lagu soo koriyey diinta, waalidkeedna lahayeen diin,waxaan ahaa gabar xaafidul quraan ah, waxaanan dhameeyey Qur’aanka anoo da’daydu tahay 10 jir. Macalinka dugsiga iyo dhamaan adaydu way i jeclayeen,waxaan ahaa mid ku fiican daraasadeeda,waxaan ahaa gabar ka dhoorsoon nimanka ,oo ay dariska iyo hablaha da’dayda ah kudaydaan.
Hoyaday waxeey i dhihi jirtey: barako badan, koow ama labo waxbarshada kama hoosayn jirin, waxaan ahaa qof ku adag diinta aadna u jecel, waxeey saas ahaataba meel layga so galay ma garanayo, schoolkii aan dhigan jirnay wuxuu ahaa wada gabdho, laakiin nasiib darro waa la badalay oo sanadkeeni u danbeeyey waa laysku daray wiilal iyo gabdho,nasiib xumo, waxaan ahan jiray mid ku tiraahda hablaha kale naa habloow ragaas ajanibta ah hala shekeesanina ,waxeey saas ahaataba, wxii aan dadka kula talinayey ayaanan naftayda kula talin.
Waxaan ku dhacay meel xun, schoolki waxan ka bartay wiil, wiilkaaso ahaa mid akhlaaq badan, saaan moodayey, midkaasoo tukanjiray, midkasoo aan ahayn kan dumarka saas u sii eega, niyadayda waxaa gashay kahelitaan, waxaan ahaa gabar yar, waxaan u sheegay hoyaday arintii ,wiilki aan bartayna waxan ku iri waxaan ahay gabar muslima walalow sidii hablaha loo soo dooni jirey, ee dhaqanka iyo diinteenu ahayd samee ama barasho kale marabo. Wuxuu igu yiri waayahay, runtii saan rabayna way dhacday, wuu i soo doonay waxeeyna ahayd malin farxad badan, lakin nasiib daro aabahay wuu ii diiday, wuxuuna igu yiri nin aan shaqaysan oo arday adoo kale ah xagee buu ku gayn?
Waxaan la doodaba aabahay wuxuu akhirkii igu yiri ha dhamaysto waxbarsahdiisa kadibna ha iskeeno, saas ayaana isku ognahay,lakin musiibo inay noqonayso manan ogeen ,ani iyo inankii sidii baan ku balanay, nasiib wanaag waxaan dhamaynay dugsi sare ,anigana waxaan soo aaday dalka……. halkasoo ay rerkeena u guureen, wiilkina waxaan ku balanay hadaan calaf isku yeelano waan is helaynaa , wallaahi shiikhoow waligeey kumanan fakirin iney noloshayda tan noqon, markaan imid…..waxaan horay ka bilaabay jaamacada, halkaasoo aan baranayey Usuulu diin ,aad baan u dadaali jiray waxaana ku jiri jiray kuwa u horreeya , ilaa ay macalimiintii i wada jecladeen, hablihiina i wada jecladeeen, markaan sanad dhigtay ,ayaanti danbe anoo email ku jira mise waa wiilki isagoo i dhahayo waan imaaan meeshaad joogto.
Manaxdaa mise waa faraxdaa, waxba makala garanin , waxaan iri waayahay, wuu yimid waana soo dhaweyey ,haduusan imaan ayaa ii wanaagsanaan lahayd Shikhoow, waxaan biloownay inaan isla hadalno,waxaana ka dhigtay fudayd maadama reerkeenu ogaayeen, maadama reerkeenu igu kalsoonyahay qofna wax ima oran jirin, waxaanan ahaa iyaga xagooda qof aan xumaan aqoon.
Wexeey socotaba shukaansi ayuu xaalka noqday, wiilkii jaamacad ayuu bilaabay , wuxuuna igu yiri lacag iyo qarash toona ma hayo aan kugu guursado ..ee ilaahay baa irsaaq baxshee i sug intaan wax ka helaayo, runtii waxaan ku iri haye. Waxaan sugaba waan is dhexgalnay, waxaan biloownay inaan tell ku wada hadalno, tell kabacdina email, email ka bacdina maalmo qayb is aragno, aan meel wax ka soo cuno, shaydaan ayaa na dhex galay mar hore laakiin ma aynu dareemin , waaxaan noqday qof wax walba u samaynayso qiil waxkasta aan samaynayo waxaan u dooni jiray qiiil, waxaan oran jiray tani waa caadi tani waa caadi , shiikhoow ani iyo inanki is arageenu wuu batay , waxaan ahaa gabar aad u quruxbadan laakiin waxaan xiran jiray niqaab kaas oo aan bilaabay anoo yar, wxuu inankii igu bilaabay inuu i nacsiiyo niqaabkii , hadaladiisa waxa ka mid ahaa: waad yartahay maxa kugu kalifay niqaab, ma islaan baa tahay, markaan ku guursado xiro, hada iska bixi!! Alla maxaan caqli yaraa ayaan niyada hada ka leeyahay.
La soco qaybta 2aad…..Insha Allah
W/Q: Sheikh Maxamed Idiris