Muqdisho (Caasimada online) Diyaarad nuuca Helocpterka loo yaqaano ayaa galabta waxay kasoo raaceen wafdigii uu hogaaminayey Madaxweyne Xasan Shiikh Magaalada jowhar iyadoona si diiran loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Madaxwenaha ayaa saaka safar dhulka ah ugu ambabaxay magaalada Jowhar iyagoo sii maray degmada Balcad ugu dambeyna gaaray Jowgar.
Madaxweynaha Soomaaliya aya intii uu ku sugnaa magalada Jowhar ee xarunta shabeelaha Dhexe wuxuu la kulmay Mas’uuliyiinta Maamulka gobolaas iyo sidoo kale waxgaradka gobolkaas .
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goob fagaaro ah kala hadlay Shacabka iyo Odayaasha dhaqan,isagoona ka dhawaajiyay arimo badan oo shacabka ay ku qanceen.
Waxaana hadaladii Madaxweynaha Shacabka uu u jeediyay ka mid ahaa,Dhisida Skuulo Waxbarasho,Xarumo Caafimaad iyo Saldhig Labaad oo Boliiska Jowhar ay leeyihiin.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dib iminka ugu Soo laabtay Muqdisho , waxana sarafka uu maanta Jowhar ku tagay uu qeyb ka noqonaya Safaro madaxweynaha uu u doonayo inuu ku booqdo Gobolo dhowr ah iyadoona dhawaan ka hor Shirka Belgiumka mbishan bartamaheeda ka furmi doona.
Halkaan Hoose KA Dhageyso Codka Madaxweynaha Soomaaliya
HALKAN KA DHAGEYSO QUDBADII XASAN SHEEKH EE JOWHAR
Caasimada online
Xafiiska Muqdisho