27.5 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Caasho C/lle oo dhaliishay DF Xasan Sheekh Maxamuud (Maxay sheegtay?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) Caasho Axmed Cabdalla, oo horey xilal uga soo qabatay dowladihii kumeel gaarka ee dalka soo maray, ayaa ka hadashay wax yaabaha u qabsoomay madaxweynaha Soomaaliya iyo wax yaabaha uu ku guuldareestay muddada sannadkii ay jirtay.

Waxa ay sheegtay madaxweynaha sidii hamuun loogu qabay markii la doortay sannadkii hore iyo sida ay wax noqdeen in ay kala dheertahay, waxaa kaloo ay tiri dadka shacabka dowladda waa ay ka niyad jabeen.

“Ammaanka magaalada Muqdisho maanta faraha ayuu ka baxay, cid isku aamni karta ma lahan Muqdisho idinkana waa ogtihiin,sidan ma ahan dowlad xumo, ee waayo dowladnimadu waa khibrad iyo daacad mid loola yimaado, dadkii hayay ammaanka ayaa la badalay,  kuwii cusbaa ayaa iyana la badalay, xafiisyada dowladda waxaa ka shaqeeyaa dhallinyaro aan aqoon u lahayn wax yaabaha socda.” ayey tiri Caasho Cabdalla.

Sidoo kale waxa ay sheegtay Caasho in mushaarka aan la siin ciidamada dowladda ama la siinaayo 100 dollar, taasoo aan wax badan u tareynin askariga reer iyo carruur u joogta.

Madaxweynaha waxa ay ku eedeesay in 8-dii bilood ee sannadka uu ka bixi waayay diyaarad qaadasho iyo safar dibedda ah, halkii looga baahnaa ayey tirin in uu dalka wax ka qabto maadama uu isaga wax badan xog ogaal uu ahaa muddadii burburka oo uu dalka joogay.

Ugu dambeen, waxa ay Caasho Caballe sheetay in dowladda Xasan Sheekh ay wax ka badashay dastuurka isla markaana madaxweynaha uu qabto shaqada ra’iisal wasaaraha.

Arrintaas waa mid ka fog dowladnimada ayey tiri.

Hadalka Caasho Cabdalla, ayaa ku soo beegmaya iyadoo maanta oo kale sannadkii hore la doortay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha wuxuu lee yahay wax badan ayaan qabtay muddada sannadka, balse kuwa kale oo aan noo hirgalin waa ay jiraan waxaana aan dhammen doonaa sannadka na soo aadan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

 

- Advertisement -

Read more

Local News