26.6 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

DHAGEYSO: Maamulka Juba oo qirtay wixii laga sheegay in muddo ah

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaaayo (Caasimada Online) – Xili Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose ay ka dhacayeen dilal qorshaysan iyo falal kale oo amaan xumo ah ayaa arintaas waxaa kahadlay Saraakiisha Maamulka Jubba, oo qirtay in ciidankooda ay ka mas’uul yihiin qaar ka mid ah dhibaatooyinkaas.

Iimaan Raashiid Gurre Gudoomiyaha gudiga Nabadeynta Maamulka Jubba ayaa qiray in ciidamada amaanka ay xiliyada qaar dhibaato ka gaystaan magaalada Kismaayo, taasi oo ah mid in muddo ah ay dad badan oo magaalada degan ay ka cabanayeen.

Waxaa uu sheegay in gudi loo saarayo sababaha keena in ciidamada Maamulka Jubba ay gaystaan dhibaatooyinkaas lagu waxyeelaynayo dadka shacabka ah.

Qaar kamid ah waxgaradka Kismaayo ayaa ku eedeeyay ciidamada Maamulka Jubba inay ka danbeeyeen dilka dad rayid ah iyo odayaal caan ka ah magaalada.

Halkan ka dhageyso codkiisa

Caasimada Online

Xafiiska Kismaayo

[email protected]

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News