28.7 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Dhageyso: Wararkii ugu dambeyay Xaalka Somalida K/Africa

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Port Elizabeth (Caasimada online) Koonfur Africa waxaa Markale kasoo Cusboonaaday Falalka Dhaca iyo Boobka ah oo loo geysanayo Soomaaliyda Sida ganacsi ahaanta ah ugu nool dalkaas kuwaas oo xilligan ay cabsi xoogan lasoo daristay.

Ismaaciil Maxamuud waxa uu ka mid yahay Soomaalida ku ganacsata magaalada Port Elizabeth oo wareysi Siiyaya Laanta Afka Soomaaliga ee BBc-da ayaa sheegay in xilliga ay boob xoogan ay ku ahayaan Burcad Koonfur African Madow ah.

Wuxuu sheegay in Arintu ay ka dameysay markii weerar ay soo qaadeen Koonfur african doonayay inay dhac u geystaan dukuaamo Soomaali ah ay lahaayeen uu Wiil Soomaaliyeed mid ka mid ah Kooxahaas uu ka dilay .

Wuxuu sheegay in arintaas ay sameyn ku yeelatay Guud ahaan Soomaalida ku ganacsata Magaaladaas , waxaana uu daaha ka qaday xitaa Booliska dalkaas ay u sheegeen inay xilligan aysan waxba u qaban karin balse ay iyaga iska difaacaan .

Dhanka kale Todobo ruux oo koofur African ah ayaa loo xiray xatooyo iyo gubis loo geystay dukaamo ay leeyihiin dad Somali ah oo ku yaalay magaalada Port Elizabeth, ee gobolka Eastern Cape sida Boolikas gobolka ku sugan ay sheegeen.

“Waxaan xaqiijin karnaa in todobo ruux oo laga shakiyay in la xeray laguna eedeeyay inay sameeyeen dhibaato ka dhan ah bulshada, dhamaan dadkaasi laga shakiyay waxay ku jiraan da’da labaatanaad”ayuu yiri Afhayeen ciidamada booliska u hadlay oo lagu magacaabo Sibongile Soci.

Waxaa uu sheegay afhayeenkaasi u hadlay ciidamada booliska in dhamaan dadkaasi la qabtay lasoo taagi doono maxkamad ku yaala dalkaasi, maanta oo talaado ah, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale afhayeenka ciidamada u hadlay ayaa sheegay in ilaa iyo iminka aysan jirin falal kale oo waxyeelo loogu geystay shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay in ciidamada booliska ay qiimeynta xaalada sameyn doonaan.

Ku dhawaad 10 dukaan oo ku yaala deegaanka Kwazakhele iyo New Brighton ayaa la sheegay in la weeraray oo dadkii ku jiray waxyeelo loo geystay.

Afhayeen kale oo lagu magacaabo Miranda Mills ayaa sheegay in labo dukaan oo goobta ku yaala la bililiqeystay lana gubay, halka dukaamo kale la weeraray, sida uu sheegay.

Dukaamo kale oo ku yaala dalkaasi ayaa malintii Axada la weeraray, iyadoo muwaadin Soomaaliyeed uu toogasho u geystay mid kamid ah dadkii soo weeraray maqribnimadii Sabtida.

Halkaan ka dhageyo Codka Boobka Somalida K/AFRICA

Halkaan ka dhageyso Codka Ismaaciil Maxamuud

Caasimada online

Xafiiska Port Elizabeth

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News