26.3 C
Mogadishu
Thursday, November 20, 2025

Fanaanad caan ahayd oo geeriyootay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Addis Ababa (Caasimada Online) Allaha ha u naxariisto waxaa maanta magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia ku geeriyootay fannaanada caanka ah ee Sahra Ileeye Cabdi.

Fannaanada ayaa la sheegay in ay u geeriyootay xanuun dhinaca carabka, waxaana markii hore loo qaaday Isbitaal ku yaalla magaalada Hargeysa.

Nuur Axmed Nuur Jaangow oo wiil ay dhashay marxuumada Sahra Ileeye ayaa sheegay in hooyadiis ay ku geeriyootay Isbitaal ku yaalla Addis Ababa, halkaasoo loo geeyay siddii looga daween lahaa xanuun in muddo ah la jiiftay oo carabka kaga dhacay.

Wuxuu sheegay in hooyadiis ay ka tirsaneed kooxda Horseed ee ciidanka xogga, waxaana uu sheegay in ay qaaday heeso u badan wadani.

Allaha ha u naxariisto fannaanada ayaa la sheegay in ay ifka uga tagtay 7-carruur ah, kuwaasoo lix ka mid ah dalka jooga.

Fannaanada waxaa horey uga geeriyooday fannaankii caanka ah ee Axmed Nuur Jaangow.

Haddaba, dhammaanka shaqaalaha iyo maamulka Shabadda Caasimada Online, waxa ay la qaybsanayaan tacsida reer Axmed Jaangow oo hooyadood Sahra Illeeye oo maanta ku geeriyootay Addis Ababa, waxaan lee nahay marxuumada Samir iyo Iimaan allaha ka siiyo wixii qaraabo iyo asxaab ay ka baxday, mamada ay ahayd fannaanad qaran.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

- Advertisement -

Read more

Local News