Warbixin: Axmed Madoobe oo ku sii jeeda dalka Denmark + Ujeedka

Copenhagen (Caasimada Online) Sida uu soo sheegayo wariyaha qaaradda Yurub  ee Shabakadda Caasimada Online, waxaa ka socota magaalada Copenhagen ee xarunta dalka Denmark qabqaabada wafdiga hoggaamiyaha maamulka kumeel gaarka ee  Jubba Axmed Madoobe, kaasoo ka qaybgalay shirkii hiigsiga cusub ee New Deal oo lagu soo gunaanaday Brussels.

Axmed Madoobe iyo xubno ka tirsan maamulkiisa ayaa la hadli doona jaaliyadda beeshiisa iyo beelahaPuntland ee ku dhaqan Denmark gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Jubbooyinka.

Axmed Madoobe ayaa jaaliyaddiisa ku dhaqan Copenhagen uga warbixin doona qorshaha maamulkiisa iyo waxybaaha ilaa hadda u qabsoomay.

Sidoo kale, wuxuu ka codsan doonaa in ay taageero hiil iyo hooba ay siiyaan maamulkiisa oo wajahaya dhibaatooyin waaweyn sida ammaanka.

Waa markii ugu horeysay oo Axmed Madoobe uu tago dalka Denmark tan iyo markii loo magacaabay maamulka kumeel gaarka ee Jubba.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka London

Caasimada@live.com