Muxuu Wasiirka arrimaha gudaha DF u joogaa dalka carbeed ee…?

Sana’a (Caasimada Online) Sida uu soo sheegayo wariyaha Shabakadda Caasimada Online ee dalka Yemen, waxaa magaalada Sana’a ee xarunta dalka Yemen, ku sugan wafdi uu hoggaaminaayo wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Wasiirka iyo xubnaha la socda ayaa garoonka diyaaradaha Sana’a waxaa ku soo dhaweeyay dhiggiisa dalka Yemen Gen Cabduqaadir Maxamed Qaxdaan iyo hubno ka tirsan laamaha ammaanka.

Labada wasiir ayaa kulan qaatay labo saac ku yeeshay xarunta wasaaradda arrimaha gudaha Yemen, waxaana ay labada mas’uul ay ka wadahaleen arrimo badan, gaar ahaan siddii ay hal meel uga soo horjeesan lahaayeen la dagaalanka argagixisada iyo burcad-badeeda.

Sidoo kale, waxa ay ka arrinsadeen siddii loo yareen lahaa qoxootiga Soomaalida ee ku soo qulqulaya dalka Yemen.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Soomaaliya oo kulankaas kaddib saxaafadda la hadlay, ayaa sheegay in booqashadiisa ay la xiriirto heshiis Isniintii la soo dhaafay uu ra’iisal wasaaraha Soomaaliya la gaaray madaxda dalka Yemen.

Wasiirka ayaa sheegay in uu dhiggiisa dalka Yemen uu uga mahadceliyay martigalinta dad lagu qiyaasay hal milyan oo Soomaali ah kuwaasoo qoxooti ku ah dalka Yemen.

Wasiir Cabdikariin ayaa sidoo kale tilmaamay in uu booqan doono xerada ugu weyn ee qoxootiga dalka Yemen, ee Al-Qaras halkaasoo Soomaali badan ay ku nool yihiin.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa muddo seddax cisho joogi doona dalka Yemen, waxaana inta ay joogaan ay kulamo la qaadan doonaan madaxda dalka Yemen iyo jaaliyadda Soomaalida ee Yemen.

Waa wafdigii labaad oo ka socda dowladda Soomaaliya kuwaasoo muddo toddobaad ah booqasho ku taga dalka Yemen, Isniintii la soo dhaafay ayey ahayd markii ra’iisal wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminaayo ay socdaal shaqo ku tageen Yemen.

Caasimada Online

 Xafiiska Wararka Cairo

Caasimada@live.com