Dhageyso: Jawaari iyo 60 Xildhibaan oo u hogaansamay amarka beeshooda

Muqdisho (Caasimada online) Gudoomiyaha Baarlamaanka Federalka ee Soomaaliya iyo wefdi uu hogaaminaayo, ayaa waxaa ay iyana dhankooda gaareen magaakada Beydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Jawaari iyo Xildhibaanada Baarlamaanka ee tagey Baydhabo, oo dhamaantood kasoo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle, ayaa waxay ka jawaabayaan, fariintii kama dambeysta ahayd, ee shalay kaga timid Odayaashooda.

Sidoo kale Mudanayaa ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo tiro ahaan gaarayay ilaa 60- kana soo jeeda Beelaha Digil iyo Milifle oo badankood ay Muqdisho ka ambabaxeen ayaa gaaray Magaalada Beydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Xildhibaanada maanta Bedhabo gaaray waxaa ka mid ah 11 Mudane oo ka ambabaxay Degmooyinka Luuq iyo dooloow , aintan ayaa ka dambeysa Amar shalay kasoo baxay waxgaradka iyo odayaasha beelahaas oo ku aadan in mudo laba maalin ah ay beysho ku yimaad xubnaha dowlada Soomaaliya beelahaas u matala.

Shariif Aadam Xasan, oo ka mid ah Waxgaradka Gobolada Baay iyo Bakool oo warbaahinta la dahlay wuxuu sheegay in Gudoomiyaha Baarlamanka iyo wafdigiisa ay Beydhabo u gaareen kadib amarkii shalay kasoo baxay Odayaasha ee ahaan in mudoo laba maali ah ay ku yimadaan magaalada Beydhabo Siyaasiyiinta Digil iyo Milifle u matala dowlada Soomaaliya.

Wuxuu sheegay inay qorsheynayaan in Gudoomiye Jawaari nay ka dhaadhiciyaan fikir ah in Lix gobol oo ay kun jiraan gobolada Maamulka Jubba uu ka jiro in hal maamul loo sameeyo.

Su’aal aheyd hadii uu diido gudoomiyaha waxa ay sameynayaan ,waxaa uu kaga jawaabay “wuxuu noola mid noqonayaa Madaxweyne Xasan Sheekh”

Si kasto dowlada Soomaaliya aya laga sugayaa qorshaha ay ku wajahdo cabashada odayaasha Digil iyo Milif .

Halkaan ka dhageyso Codka ujeedka Socdaalka Jawari ee Baydhabo

Halkaan ka dhageyso Shariif Aadan Xasan

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com