Dhageyso: Xizbul Islaam oo kala jabay

Muqdosho (Caasimada online) Waxaa soo if baxaya Khilaaf xoogan oo soo kala dhexgalay hogaanka ururka Xizbul Islaam , kaas oo ku aadan qaabka maamulida iyo hogaaminta ururkaas kadib markii Xabsiga ay dhigtay dowlada Soomaaliya hogaamiyihii Ururkaas.

Maalin ka hor  waxaa Muqdisho Shir Jaraa’id kuqabtay Xoghayada Dhanka arimaha Dibadda ururkaas Sheekh Maxamed Macalin , waxaana  uu ka hadlay arimo ay ka mid yihii Xirnaanshiyaha Xasan Daahir iyo Mustaqbalka iyo qorshaha Xizbul Islaam .

Kulan, kaasi kasoo horjeedo laguna dhaliilayay, ayaa waxaa goordhow saxaafada kaga warbixiyay Xoghayaha guuud ee Xisbul islaam ahaana afhayeenkii Xisbigaasi Sheikh Ismaaciil Xaaji Maxamed, isagoo sheegay in shirkaasi uu yahay mid shaqsi uu wato.

Wuxuu  in xisbiga uu leeyahay nidaam iyo kala dambeyn hadii uu shir ufurmayana nidaamka xisbiga loo marayo, waxaana uu tilmaamay in  Sheekh Maxamed Macalin uusan matalin danaha xisbiga,kadib markii uu sida uu sheegay ku fashilmay arimaha xisbiga.

Guddoonka Guddiga shuurada ahna xoghayaha Xisbul Islaam Sheekh Ismaaciil Xaaji Cadoow ayaa dhanka kale ka hadlay xariga Sheekh Xasan Daahir Aweys wuxuuna sheegay in Sheekh Xasan Daahir Aweys ay umarayaan wado waliba oo lagu siideyn karo.

Xariga Sheekha ayuu sheegay inay aad uga xun yihiin iminkana ay ku dadaalayaan sidii loosii deyn lahaa Sheekh Aweys oo gacanta Dowladda ku jira.

Si kasto arinyan ayaa mid Shacab iyo Siyaasinyiinba ay maanta hadal ahayaan .

Halkaan Hoose ka Dhageyso Coodka Shirka Jaraa’id ee Sheekh  Ismaaciil

Hoghayaha guud ee Ururka Xizbul islaam

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com