Baydhabo (Caasimada Online) Magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay, waxaa ka socda kulamo looga hadlaayo dhismaha maamul-gobaleedka Koonfur Galbeed.
Malaakh Yacquub Maxamed Deerrow, oo ah afhayeenka u hadlay odayaasha dhaqanka Baaydhabo ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in ay xiriir la sameeyeen siyaasiyiinta iyo waxgaradka ka soo jeeda lixda gobal ee loo dhisaayo maamulkan.
Malaakha ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay in ay ku rajo weyn yihiin hirgalinta maamulkan la doonayo in looo sameeyo beelaha degga gobaladan.
Mar wax laga weydiiyay in ay heshiis la sameeyn karaan maamulka Axmed Madoobe maadama maamulka ay wadaan uu ku jiro gobalada uu maamulo?
Wuxuu sheegay in odayaasha dhaqanka haddii ay yihiin markasta diyaar ay u yihiin wada-xaajood iyo dib u heshiisiin ay la galaan cid kasta oo ka soo horjeeda.
Si kastaba, waxaa magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo ka socda olole loogu jiro dhismaha maamul gobaleedka Koonfur Galbeed oo loo dhisaayo lix gobol oo kala ah: Baay, Bakoo, Jubbada Hoose, Jubbada Dhex, Gedo iyo Shabellaha Hoose.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho