Baladweyne (Caasimada Online) Sida uu warbaahinta u sheegay Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, oo ka tirsan guddigga dhinaca ammaanka baarlamaanka Soomaaliya, wuxuu arrin aad looga xumaado ku tilmaamay xarigga Maxamed Cabdi Xasan oo loo yaqaano Afweyne ayaa oo Sabtidii lagu xilay magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium.
Afweyne ayaa ah nin caan ah oo in muddo ah hoggaaminaayay burcad-badeeda Soomaalida ee qafaasha maraakiibta iyo doomaha ku socdaala biyaha Soomaaliya.
“Waa mas’uul ka tirsan dowladda fedaraalka Soomaaliya, xariggiisana waa xad-gudub” ayuu yiri Daahi Amiin Jeesow oo ku sugan magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.
Ma jirto ilaa hadda cid kale oo dowladda ka tirsan oo ka hadashay xarigga Afweyne oo bishii January ee sannadkan ku dhawaaqay in uu ka baxay falalka burcad-badeednimada.
Wuxuu kaloo sheegay xilligaas in door ka qaadan doono siddii dhallinyarada ku jira burcad-badeeda looga saari lahaa falalka ay ku jiraan.
Dhinaca kale, ehelada Afweyne oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in xirigiisa uu yahay mid xad-gudub oo loo geestay nin ganacsade caan ah.
“Qawaaniinta caalamiga ayaa la tiigan san doonaa Belgium, in muwaadin Soomaali ah la iska xiro ” ayuu yiri Cabdiraxmaan Caruush oo sheegay in uu adeer u yahay Afweyen.
Wuxuu kaloo sheegay in loo dhigay Maxamed Cabdi Xasan Afweyne shir qool isagoona uu ka baxay magaalada Muqdisho kaddibna uu maray Kenya , waxaana lala xiray ayuu yiri Maxamed Cabdulaahi Aadan Tiiceey oo ahaa madaxweyihii hore ee maamulka Ximin iyo Xeeb.
Caasimada Online
Xafiiska Wararaka Muqdisho

