25.5 C
Mogadishu
Friday, November 7, 2025

Muqdisho: Xaafado laga yaaban yahay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasiada online) Qeybo kamid ah Muqdisho , gaar ahaan Degmada Heliwaa , wax kusoo badanaya Dhaca Xilliyada Habeenkii ah lagula dhaqaaqo , taasi oo dad badan ay cabasho ka muujiyeen.

Xaafada Gumbocoole, waxay ka mid tahay xaafadaha ku yaala degmada Heliwaa ee gobolkan Banaadir , waxaa mudooyinkan ksoo badanayay TuugoXilliyada habeenkii ah u dhaca Guryaha kuwaas oo si raxan raxan ah u socda.

Ragan Burcada ah ayaa sida la tilmaamay ku hubeysan Hubka Fudud sida AK 47 inkastoo aan la shaacin inay sitaan Dareeska ciidamada dowlad iyo in kale , hayeshee dadka deegaanku waxay sheegeen inay dhac iyo Baarashaba Xaafada ku hayaan Ragaas.

Habeeno ka hor ayay ragan mid kamid ah dadka deeganka xilli ay telephone ka dhacayeen waxay ku dhufteen 7 Xabadood , kadib markii uu ka dhago adeegay inuu bixiyo telphone-ka.

Sidoo kale Mid ka mid ah Dadka deegaanka diidayna inuu magaciisa shaaciyo Sababo amniga la xiriira , ayaa sheegay in xilli ay dhac u geysanatyeen ay dhaawac xoogan u geysteen isla-markaana ay ka qaateen telephono dhowr ah.

Telphonadan laga qaatay ayuu tilmaamay in qaar kood ay lahaayeen dad daris la ahaa balse Gurigooda yaalay , laguna dabeynayay , hayeeshee Xilli SAQ DHEXE ah ay usoo dheceen rag gaaraya ilaa 3 ruux kuwaas oo markii uu kusoo toosayna Midi Caloosha kaga Muday isaga .

Dadka deegaanku iminka waxay Muujinayan Cabasho xoogan oo arinaas ku aadan  waxaana ay sheegayaan inay ragan caado iyo Shaqaba ka dhigteen arintan , waxaana jira tuhun ah inay ragan ka mid yihiin dadka deegaanka inkastoo warkaas aan la xaqiijin .

Maamulka Degmada Heliwaa wali arintan kama uusan hadlin hayeeshe dhowr jer ooh ore ayuu shegay in xaalka amniga degmada uu yahay mid la isku Hubo oo la isku haleyn karo.

 Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

 

- Advertisement -

Read more

Local News