Dhageyso: DF Somalia oo u jawaabtay beeshii dhowaan ka baxday dowladda

 Baladweyne (Caasimada Online) Dowlada Soomaaliya ayaa waxay ka jawaabtay Cabasho kasoo yeertay beel ka mid ah Beelaha Soomaaliyeed ee dega gobolka Hiiraan , kuwaas oo sida ay sheegeen lagu sameeyay Musuq Maasuq .

Agaasimaha Wasaarada Arimaha gudah iyo Amniga qaranka Xukuumada Soomaaliye Cali Abtidoon Xalane, ayaa sheegay in Maamul ay yeeshaan reer Hiiraan inay tahay muhiimada Koowaad.

Wuxuu ka dalbaday Beesha Gaal jecel inay is dejiyaan Isla-markaana ay ka laabtaan go’aanka ka dhanka ah dowlada Soomaaliya, isagoo sheegay inay diyaar u yihiin qancinta Beesha sida uu sheegay .

Wuxuu sheegay in Beesha gaal jecel laga doonayo inay ka qeyb qaadato Nabaada gobolka , waxaana uu tilmaamayin dowlada Soomaaliya ay diyaar u tahay dhameystirka maamul ay yeeshaan reer Hiiraan kaas oo sida uu shaaciyay ku imaanaya Rabitaankooda.

Dhamaan beelaha Gobolka ayuu ka dalbaday inay ka fakaraan aayaha gobolka isla-markaan ay gacmaha is qabsadaan beesha gaaal Jecelna aysan jirin Faquuq gooni ah oo ay ku heyso dowlada Soomaaliya.

Rabitaank shacabka iyo dhamaan dadka dega gobolka Hiiraan ayuu sheegay in lagu saleynayo maamulka loo sameynyo gobolka Hiiraan isagoo shaaaca ka qaaday inay muhiim tahay helitaanka maamul ay u dhan yihiin shacabkareer Hiiraan .

Si kasto Odayaasha Beesha Gaal Jecel ayaa sheegay inuu jiro Musuq Maasuq ku adan maaml u sameynta gobolka hiiraan, waxaana iminka muuqanayo in is jiid Siyaasadeed uu ka taagan yahay Gobolka Hiiraan .

Halkaan ka dhageyso codka agaasimaha

Caasimada Online

Xafiiska Baladweyne

Caasimada@live.com