Sharma’arke oo Kismaayo tagay (Xog ku aadan qorshe uu damacsan yahay)

Kismaayo (Caasimada online) Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya imaatinka Ra’isul wasaarihii hore eee Soomaaliya Cumar Cabdi Rashiid Cali Sharmaake, magaalaa Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Warar Soo baxaya ayaa sheegay inuu Kismaayo u yimid ka dhaadhicinta sidii Axmed Madoobe uu ugu adkeysan lahaa go’aankiisa ku aadan Diidmada ka qeyb galka Shirka 21-ka Bishan lagu wado inuu Muqdisho ka furmo kaasoo uu maamulka JUBBA si cad u diiday inu ka qeyb galo.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya inuu doonayo inuu sii kala fogeeyo Siyaasadaha is diidan iminka ee dowlada Soomaaliya iyo Maamulka JUBBE ee ku qotomaha aayaha gobolada Jubbooyinka iyo Gedo .

Warar kale ayaa sheegaya in Cumar C/rashiid uu Kismaayo u yimid ka qeyb qaadashada dhameystirka Maamulka Jubba oo qorshihiisu iminka uu ka socdo gudaha magaala Kismaayo ee xarunta Jubbada Hoose.

Gudoomiyaha Guddiga nabadeynta Jubbooyinka Iimaan Rashiid oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ra’isul wasaarihii ee Soomaaliya uu Kismaayo u yimid ka qeyb galka dhameystirka maamulka jubba .

Wuxu sheegay in Cumar C/rashiid uu Maamulka iyo odayaasha uu ka caawin doona dhanka Talooyinka ku saabsan qaabka ugu macquulsan ee maamulkaas qeybaha ka dhiman lagu soo dhameystiri karo iyadoo cabasho dambe aysan jirin .

Kismaayo mudooyinkii dambe waxaa socday shirar gooni gooni ah oo ku qatoma qaabka dhameystirka maamulka Jubba iyo sida qaab nabadeysan dhamaan shacabka Jubbooyinka iyo Gado  ay ku qanacsan yihiin loogu dhameystiro karo Maamulkaas.

Caasimada onine

Xafiiska Kismaayo

Caasimada@live.com