Wafti ka socda DF oo Kismaayo tagay

Kismaayo (Caasimada online) Wafdi ka socda Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa goor dhow waxay gaareen magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, kadib markii Maanta muqdisho ay ka amba baxeen .

Wafigan Kismaayo gaaray waxaa hogaaminayay wasiirka Arimaha gudaha iyo Amniga Qaranka Xukuumada Soomaaliya , C/akiin Xuseen Guuleed,  waxaana ku jiray Wasiir ku xigeeno ka tirsan xukuumada Ra’isul wasaare Saacid.

Wafdigan oo si wanaagsan loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo,  ayaa waxaa loo galbiyay Gudaha Magaalada Kismaayo , si ay kulamo ula qaataan Madaxda maamulka Jubba.

Si rasmi ah looma oga Ujeedka wafdigan ee magaalada Kismaayo , hayeeshee mudooyinkan waxaa soo if baxayay khilaaf soo kala dhexgalay dowlada Soomaaliya iyo Maamulka Jubba kadib markii la isku af garan waayay shir aayaha Jubbooyinka looga hadlayo oo lagu wado inuu Muqdisho ka dhoco.

Maamulka Axmed Madoobe ayaa si cad usheegay inuusan marnaba ka qeyb galeyn shirka aayaha Jubbooyinka ee Muqdisho lagu wado in lagu qabto isla-markaana uu ka fogyahay waxyaabihii lagu soo heshiiyay .

Caasimada online

Xafiiska Kismaayo

Caasimada@live.com