Kismaayo (Caasimada Online)Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose, ayaa sheegaya in halkaas galabta ay gaareen ciidamo ka tirsan kuwa gaashan ama Alpha Group oo ah ciidamo si gaar ah u tabbabaran.
Wariye ku sugan Kismaayo oo la hadlay Shabakadda Caasimada Online, ayaa sheegay in ciidankan galabta markii ay gaareen magaalada in halkaas lago soo dhaweeyay, waxaana la arkayay iyagoo saaran baabuurta dagaalka ee ciidamada AMISOM iyo kuwa maamulka Jubba.
Ammaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyay, waxaana caawa magaalada lagu arkayaa ciidamo badan, dadka magaalada ayaa goorhore guryahooda ku xarooday.
Ciidamada maanta gaaray Kismaayo ayaa tiradooda lagu sheegay 150-askari, kuwaasoo si gaar ah u tabbabarran.
Dhinaca kale, magaalada Kismaayo waxaa laga dareemayaa diyaargarowga madaxweynaha Soomaaliya oo maalinta berri booqasho ku tagaya.
Madaxweynaha ayaa la kulmi doona mas’uuliyiinta maamulka kumeel gaarka ee Jubba iyo bulshadda qaybaheeda kala duwan.
Ma cadda madaxweynaha iyo wafdiga la socday inta ay joogi doonaan magaalada Kismaayo, balse waxaa la aaminsan yahay in booqashadooda ay qaadan doonto muddo hal maalin ah..
Haddii madaxweynaha uu berri tago Kismaayo waa markii ugu horreysay oo uu booqdo Kismaayo tan iyo markii la doortay sannadkii horre.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho

