Nairobi (Caasimada Online) Warar ay heshay Shabakadda Caasimada Online, ayaa muujinaya in la bixiyay lacagtii lagu lahaa marxuum Xildhibaan Cumar Islow oo shaley ku dhintay cisbitaal ku yaalla magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.
Marxuumka ayaa la sheegay in lacag badan lagu lahaa intii uu ku jiray Isbitaalka Akh- Khaan ee magaalada Nairobi.
Waxaa lacagta bixiyay xildhibaanno iyo ganacsade ay qaraabo yihiin marxuumka, waxaana loo oggolaaday in meydka xildhibaanka lagu wareejiyo ehelkiisa.
Maamulka cisbitaalka Akha-Khaan ee Nairobi, ayaa ka dhawaajiyay in aan la qaadi Karin meydka marxuumka, ilaa inta laga bixinaayo 120,000 oo dollar oo lagu lee yahay.
Si kastaba, dowladda Soomaaliya oo uu ka tirsanaa xildhibaanka geeriyooday, arrintan waxbo kama bixin waxaana lagu eedeeyay in ay gabeen oo ay dayaceen xildhibaanka intii uu ku jiray cisbitaalka Nairobi.
Marxuumka ayaa wuxuu ka mid ahaa xildhibaannada sida weyn uga dhexmuuqday xildhibaannadii dalka soo maray, wuxuu kaloo uu ahaa sharci yaqaan, isagoona dowladii hore ee milltariga ka soo noqday aggaasimaha hey’adda nabad –sugida.
Meydka xildhibaan Cumar Islow ayaa lagu wadaa in maalmaha sococda la geeyo magaalada Muqdisho halkaas ayaanna lagu aasi doonaa.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Nairobi

