Gaalkacyo (Caasimada online) Maamulka Galmudug ayaa si cad waxay u beeniyeen eedeyn lasoo yaartay Maamulka Puntland oo ku aadan in Wasiirka Arimaha GudahaSomalia uu ka dambeeyay Dagaal ka dhacay Deegaanka Godob e duleedka Magaalada Galkacyo.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Maamulka Galmudug Axmed Maxamuud Xasan “Axmed Baasto”, oo shir jaraa’id ku qabtay Koonfurta Magalaada Galkacyo, Wuxuu si cad u sheegay in warkaas uu yahay mid Been Abuur ah isagoona ku tilmaamay mid laga Xumaado.
“Wasiirka Arimaha Gudaha Somalia, Diyaar uma aha mana doonayo inuu kala geeyo Bulsho wada Nool , waliba si nabad ah , Mana Doonayo inuu kala geeyo Puntland iyo Galmudug Xaqiiqdii eedeyntaas maaha mid laga Fiirsaday ama Wasiirku uu u qalmo” ayuu yiri Axmed Baasto
Axmed Baasto, ayaa sheegay in C/kariin Xuseen Guuleed wasiirka Arimaha Gudaha Somalia uu 16-kii bishii Febraayo, uu Magaalada Garoowe kaga qaybgalay aaskii loogu sameeyay Allaha u naxariistee Sheekh C/qaadir Nuur Faarax “Gacamey”.
“Puntland iayada ayaa dooneyso inay dagaalka Godob ka dhacay u leexiso, waana la garanayaa cidda dagaalkaas uu u dhexeeyo , laakiin waxaan cadeynayaa in eedeyntaas ay tahay mid been abuur ah ” ayuu hadalkiisa sii raaciyay
Hadalkan wuxuu yimid kadin markii Dagaal shalay ka dhacay deegaanka Godob, uu Wasiir Ku xigeenka Amniga Puntland uu ku eedeeyay inuu ka dambeey Wasiirka Arimaha Gudaha Somalia.
Caasimada online
Xafiiska Gaalkacyo

