29.9 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

DHAGEYSO: Ciidamada DF Somalia oo qaati laga taagan yahay Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) Dowlada Somalia waxay sheegtay Dhowaan inay Bixineyso Mushaaraadka Ciidamadeeda Bil waliba, Halka markii hore Bilooyin Badan ay ka maqnaan jireen Xaquuqihii ay Xaqa u lahaayeen , waana mida loo aaney jiray in Shacabka ay kusoo laabtaay kadibna Boob ay kula dhaqaaqaan .

Cabashada dadka ayaa ah  mid aan Harin, waxaana Maalinba maalinta kasii dambeysa Sii kordhaya qeylo dhaanta ay shacabka Soomaaliyed Muujinayaan Gaar ahaan kuwa Reer Muqdisho, taas oo ku wajahan dhac  iyo Boob ay ku hayaan rag Dareeska Ciidamada dowlada Somalia ku labisan .

Degmooyinka Yaaqshiid, Kaaraan iyo Hurwaa, waa Degmooyinka ugu badan oo ay Cabashada dadku ay inta badan kasoo yeeraan , kuwaa oo ay ku dalbanayaan in ay helaan gurmad deg deg ah ayna u baahan yihiin ku noolaanshiyaha amni la isku haleyn karo.

Mid ka mid ah Shacabka ku nool Xaafada Cali Turcaaye ee Degmada Yaaqshiid ayaa Warbaahinta u sheegay in Xaafadooda lagu soo daadiyay ciidamo Cudud badan leh, Hase yeeshee ay dib ugu laabteen Shacabka  isla-markaana ay kula dhaqaaqeen Boob aad u xoogan.

Wuxuu sheegay in Habeen iyo Maalin aysan u kala soocneyn Ciidamadaas Dhobaatooyinka ay qabaana ay tahay mid taagan oo aan hakad laheyn , waxaana uu shaaca ka qaaday in markii hore dhibtooda ay ku koobneyd oo kaliya habeenkii Balse iminka Maalin iyo Habeen ay isku mid u tahay.

Halkan hoose ka dhageyso codkiisa

Cabasho Cali Turcaaye

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

 

- Advertisement -

Read more

Local News