Jidah (Caasimada Online) Ciidamada dalka Sacuudiga ayaa Maanta oo Isniin ah Bilaabaya Howlgalo ka dhan ah Dadka Soo galootiga ah ee ku nool Dalkaasi kadibamar kasoo baxay wasaarada Arimaha Gudaha dowlada Sacuudiga.
Cabdi Ibraahim, Wuxuu ka mid yahay Soomaalida ku nool Sacuudiga Warbaahinta ayuu u sheegay inay qabaan Casi ku aadan Raafkan ay bilaabayaan Ciidamada Dowlada Sacuudiga ee Lagu baacsanayo Ajaaniibta soo galootiga ah Somalidana ay qeybta ka tahay .
Wuxuu sheegay in Cadsi ay qabaan Darteed iminka ay ku jiraan guryaha Dhexdooda oo aysan Magaalada Aadi karin , waxaase uu sheegay in Wasaarada Arimaha Gudaha dalkaasi ay ka dhawaajisay in Xafiisyada, Goobaha Shaqada iyo Xaafadahadaba ay ciidamadu ay howlgada ka bilaabi doonaan .
” Dowlada Sacuudiga waxay ku Amartay Ciidamadeeda inay Baaraan Xaafadaha Min Guri Giri , xaafis Goob Shaqo Mana aha Somaliada oo Kaliya waxa la baadi goobayo , waxaa ka mid ah , Yemen , Erhtiopian, Indonesian, Syrian, adigu dalal badan ayaa ka mid ah .
Sacuuda ayaa ka mid ah dalalka ay inta badan Soomaalida u shaqo doontaan , waxaana sidoo kale ku nool Ajaanib kale oo kala taga qeybo ka mid ah wadamada Aasiya iyo qaar ka mid ah dalalka Africa oo Ethiopia ay ka mid tahay .
Dhawaan ayay dowlada dalkaasi waxay si cad u sheegtay inaysan aqbali karin in qof sharci la aan ah ama aan wakiil lag aheyn inuu ku noolaado dalkaasi .
Halkaan ka dhageyso Cabdi Ibraahim
Caasimada online
Xafiiska Jidah

