Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa shalay galab dib u dhac uu ku yimid in lasoo gabagabeeyo shirka dib u heshiisiinta ergooyinka madalaya gobolada Jubbooyinka oo mudo sedax cisho ku shirsanaa Muqdisho, kadib khilaaf ka dhashay ciddii saxiixi laheyd war murtiyeedka qodobada heshiiska.
Wararka laga helayo xubno ka qeybgalay shirka ayaa sheegaya in muran ku saabsan qodobada qaar uu soo kala dhex galay xubnaha ergooyinka ee kala matalayay dhinacyada Jubooyinka iyo in la isku mari waayay saxiixa war murtiyeedka laga soo saari lahaa shirka.
Sida ay ku waramayaan ilo-wareedkan Hoggaamiyaha Maamulka KMG ee Jubba Axmad Madoobe ayaa diiday in war murtiyeedka shirka uu saxiixo Cabdi Shire oo adeer u ah Col. Barre Hiiraale, halka dhinacyada kale ay Axmad Madoobe u doorteen inuu u saxiixo.
Caqabadaasi oo dhalisay in xeritaanka shirka uu dib ugu dhaco illaa maanta, waxaana uu Axmad Madoobe ka codsaday Wasiirka Arrimaha Gudaha C/kariin Xuseen Guuleed in uu isaga saxiixo war murtiyeedka.
Buuq badan ayaa arintan ka dhashay iyo in uu saameeyo xeritaanka shirka oo lagu waday iney kasoo qeybgalaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Wasiirka arrimaha dibada Itoobiya oo Muqdisho u yimid ka qeybgalka xaflada xeritaanka shirka, xalayna seexday Muqdisho.
Hase ahaatee waxaa socda dadaalo arintan lagu xalinayo, iyaddoo xalay Madaxweynaha uu casho sharaf ugu sameeyay Madaxtooyada Axmad Madoobe iyo ergooyinka madalaya gobolada Jubbooyinka, rajana laga qabo in maanta shirka lasoo afjaro.






