28.5 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Madaxweyne Xasan oo tagay Jowhar

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Jowhar (Caasimada online)  Wafidi uu hogaaminayo Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa daqiiqado ka hor gaaray Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Magaalada Jowhar ku tagay diyaarad nuuca Helicopter ah, taas oo ka degatay Garoonka Kubadda cagta ee magaalada iyadoona amniga si aad ah loo adkeeyay.

Waxaa wafdiga madaxweynaha Magaalada kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiinta Maamulka gobolka sida gudoomiye ku xigeenka gobolka Sh/Dhexe Yuusuf Cabdi C/le iyo gudoomiyaha degmada Jowhar Maxamed Amiin Cismaan Xaaji Cabdule Caqiil iyo mas’uuliyiin kale .

Madaxweynaha ayaa la kulamaya Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Odayaasha dhaqanka gobolka Haweenka iyo Dhalinyarada gobolka inkastoo aan la shaacin waxyaabaha kulamadaas diirada lagu saari doono.

Magaalada ayaa go’doon ugu jirta Fatahaad Webiga Shabeelle uu ka geystay deegaano ka tirsan gobolkaas gaar ahaan Tuulooyin u dhaw magaalada Jowhar.

Waa safarkii labaad ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku gaaro magaalada Jowhar mudo Laba bil gudohooda ah tan iyo markii uu qabtay xilka madaxweynenimada Somalia

Caasimada online

Xafiiska Jowhar

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News