28.3 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Dabeelo wata roobab xooggan oo 100 qof ku dilay Puntland (Faah-faahin)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) Roobab iyo dabeelo xooggan oo ku dhfutay deeganno badan oo ku yaalla  Puntland.

Inta la ogyahay 100 qof ayaa ku dhimmitay dabeelaha iyo roobabka oo ka socda deegannada Puntland labadii maalmood ee la soo dhaafay sida ay lee yihiin mas’uuliyiinta maamulka Puntland.

Meelaha sida weyn ay roobabka iyo dabeelaha ugu dhufteen ayaa ka mid ah deeganka Eyl waxaana lagu soo warramayaa in ugu yaraan 20 qof ay ku dhinteen oo ay ku jiraan seddax carruur ah.

Madaxweynaha maamulka Puntland, Cabdiraxmaan Faroole oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in lagu soo wargaliyay ilaa 100 qof in ay ku dhinteen dabeelaha iyo roobabka ka da’aya deegannada Puntland.

Wuxuu kaloo sheegay Faroole in xoolo badan ay dileen dabeelaha iyo roobabka, balse qiyaas dhab ah ma heyno ayuu sheegay.

Wuxuu sababta ku sheegay in taleefonada meelaha ay roobabka ka da’ayaan ay jaran yihiin oo gooyeen roobabka iyo dabeelaha ka socda deegannada Puntland.

Dhinaca kale, magaalada Garoowe waxaa looga dhawaaqay guddiga xaalada deg dega ah iyo gargaarka maamulka Puntland kuwaasoo soo qiimeen doona dhibaatada ay geesteen roobabka.

Waxaa jirta cabsi la xiriirta in dabeelo xooggan oo wata roobab ay ku dhuftaan qaybo ka mid ah dalka Soomaaliya

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News