28 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Saacid oo Xasan Sheekh ka dalbaday in 3 bilood dib loo dhigo arrintooda

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Casimada Online) Ra’isal Wasaaraha Somalia  Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Maxamuud, ka dalbaday in  muddo seddex bilood ah, dib loo dhigo waxa ay isku hayaan.

Saacid ayaa la sheegay in Mudadii xilka uu hayay xukuumadiisu inay wax badan qabatay iminkana ay sugayaan howlo badan sidaasi darteedna uu doonayo in dib loo dhigo khilaafka wada shaqeyntuna ay halkeedi kasii socoto.

Wararku waxay sheegayaan in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, dhankiisa uu sheegay in ay adag tahay, in 3 bilood oo kale ay sii wada shaqeeyana sidaasi darteedna ay lagama maarmaan ay tahay in xilka uu isaga dego Ra’isul wasaare Saacid.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu tilmaamay inay , inay ka go’an tahay in isbedel lagu sameeyo Xukuumada, taasina ay ku imaan kareyso iyadoo uu shaqada isaga tago Saacid.

Sidoo kale warka ayaa intaasi kusii daraya in Madaxweyne  Xasan uu mar kale ka dalbaday Ra’isul wasaare Saacid in xilka uu iska casilo , inkastoo Saacid  mar kale uu ka biyo diiday arintaasi .

Golaha sharci deginta oo arintan qudhoodu isku khilaafsan ayaa laga sugayaa go’aanka ugu dambeeya ay arintaan ka gaaraan sida qorshuhu uu yahay, waxaana codiga ra’isul wasaaraha uu yimid kadib kulan ay shalay galab wada qaateen isaga iyo Madaxweynaha.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News