29 C
Mogadishu
Sunday, April 19, 2026

Hal Degmo oo Muqdisho ku taalla ayaa kumanaan dollar ugu deeqday P/Land

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa ka billowday gurmad deeqo loogu uruurinaayo dadka wax ku noqday dabeylaha iyo roobabka xooggan ee ku dhuftay Bariga dalka Soomaaliya.

Goobaha ay ka dhaceen waxaa ka mid ah degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho, halkaasoo habeenkii xaley uu ka dhacay kulan oo soo qaban qaabiyay Maamulka Degmadaas.

Guddoomiyaha Degmada Wadajir, Axmed Daaci oo kulanka hadlay ayaa ku dhawaaqay in Maamulkiisa uu bixinaayo 10 kun dollar kuwaasoo loogu talagalay dadka ay saameeyeen duufanta ku dhuftay deegannada Puntland.

Sidoo kale, Degmada Hodan ayaa waxaa lagu qabtay kulan deeqo loogu ururinaayo dadka ay saameeyeen duufanta, waxaana isugu yimaaday dadweyne fara badan.

Jaamacadda Muqdisho ayaa iyana ku dhawaaqay lacago dollar ah oo ay ugu talagalay dadka wax ku noqday dabeylaha iyo roobabka xooggan ee ku dhuftay gobalada Nugaal iyo Bari.

Xoghahaya guud ee guddiga gurmadka deg-degga ee Jaamacadda Muqdisho Cabdiqaadir Abuubakar ayaa sheegay inay billaabayaan olole deg-deg ah oo loogu gurmanayo dadka dhibaateesan ee ku waxyeelloobay fatahaadda wabiga Shabeelle, iyo roob duufaan wata oo ka da’ay deegaanno ka tirsan Puntland.

Madaxa Jaamacadda Muqdisho Dr Cali Axmed Abuubakar oo qadka taleefanka ugu qeyb galay kulanka ayaa tilmaamay in musiibada ay tahay mid culus, oo u baahan in qof kasta oo Soomaali ah uu ka qeyb qaato.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

- Advertisement -

Read more

Local News