28.5 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Dagaal ka dhex qarxay ciidamada DF

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Afgooye (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya deeganka Lambar 50 ee gobalka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegaya in halkaas maanta uu ka dhacay dagaal u dhexeeya ciidamo kawada tirsan dowladda.

Ugu yaraan qof ayaa ku dhintay tira intaas ka badana waa ay ku dhaawacmeen waxaana ay u badan yihiin kuwii dagaalamayay sida ay lee yihiin dadka deeganka.

Guddoomiyaha Gobalka Shabeellaha Hoose, Cabduqaadir Maxamed Siidii oo la hadlay VOA ayaa sheegay in dagaalka uu u dhexmaray ciidamo Millitari ah iyo ciidamo qaab beeleed u abaabulan kuwaasoo ka dhisan deeganka Lambar 50 oo ay dowladdu maamusho.

Dagaalka ayaa billowday markii ciidamo millitari ay weerar ku qaadeen deeganka Lambar 50, oo halkaas ku sugnaayeen ciidamo kale oo daacad u ah Guddoomiyaha deeganka Lambar 50, waxaana ka dhacay dagaal culus kaddibna goobta waxaa markii dambe la wareegay ciidamada millitariga.

Dhinaca kale. iska hor imaad maanta ka dhacay deeganka Buufow ee  gobalka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ku dhaawacmay guddoomiye ku-xigeenka Maaliyadda ee Marka.

Mas’uulkan iyo seddax askari oo kale ayaa ku dhaawacmay iska hor imaadkaas oo dhex maray ciidamo madani ah iyo kuwa dowladda.

Dhaawaca guddoomiiye ku xigeenka Maaliyadda ayaa loo soo qaaday magaalada Muqdisho oo hadda lagu daweynayo isaga iyo ciidamada ku dhaawacamay iska hor imaadkaas.

Ma ahan markii ugu horreysay oo ciidamo kawa tirsan dowladda ay ku dagaalamayaan deeganno hoos taga gobalka Shabeellaha Hoose.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Afgooye

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News