26.7 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

VIDEO iyo qoraal cajiib ah: JASIIRADDA Carbeed iyo Mucjisada Nebiga NNKH

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Bismillaah wa kafaa, wal xamdulillaah, Allahumma salli calaa Muxammad.

Aqristahayaga qiimaha badanow, mowduuca aynu icjaazka Islaamiga maanta kusoo qaadan doonno, waa arrin aanan cusbeyn laakiin aan is oran karno dadka qaar bay ku cusbaan doontaa, taasoo muujineysa mucjiso aad u weyn oo kamid ah mucjisooyinka Nebigeenna suubban Muxammad bin Cabdillaahi nabad iyo naxariisi Eebbe ha u siyaadiyo’e.

Wax badan waxaynu soo aragnay howlaha caafimaadka isagoo ina baraya, halkaasina wuxuu kaga dheereeyay dhaqaatiirka, tolow ma dhakhtar buu ahaa? Waxaynu soo aragnay isagoo ina baraya hab taariikheed hore, inoogana qisoonaya arrima dhacay oo aanan si sahal ah lagu ogaan karin, tolow ma taariikhyahan buu ahaa? Waxaynu soo aragnay isagoo ina baraya habka la isu difaaco iyo qidaha iyo taatikada dagaal, tolow ma Jeneral buu ahaa iyo khabiir waayo usoo joogay? Wax kastoo cilmiga iyo tiknoloojiyada maanta joogaahi ay ka qeyb qaateen amaba ay sii kobciyeen, oo ay adkeyd in muddo 14 qarni iska daaye xataa aanan la ogaan kari lahayn hal qarni kahor xilliga aynu maanta joogno, baa uu Muxammad (NNKH), ina baray amaba uu inooga qisooday waxyaaba maanta lagu helaya aqoonta casriga.

Waxa kani oo dhami ma ahayn wax agtiisa ka yimid, ee waxay ahaayeen wax kusuurtoobay waxyi Rabbaani ah, iyo risaala xagga Rabbi uga timid basharka, taasoo isagu looga soo wakiishay toddobada sama dushooda.

Wax kastoo aynu soo aragnayba, waxaanu maanta arki doonnaa in nebi Muxammad, uu inoo sharraxaya 14 qarni immikan la jooga kahor, waxa uu yahay cilmiga Geology-ga.

Aqoonta Geology-ga oo kobacday teknoloogiyadan cusub kadib, oo ay adkeyd daba galkeeda iyo in wax badan laga ogaado kummanaan sano oo hore oo jiri jiray, baa nebi Muxammad (NNKH) uu wax inooga sheegayaa casri aanay jirin qalab uu u adeegsanaya arrinkaas.

Nebi Muxammad (NNKH) waxaa uu yiri xaddiis saxiixa oo laga soo weriyey Abii Hureerah oo uu soo werinaya iimaam Muslim dhexdiisa sida tan

 يرويه لناأبو هريرة رضي الله عنه، أن رسول الله -صلى الله عليه وسلم- قال(لا تقوم الساعة حتى يكثر المال ويفيض، حتى يخرج الرجل بزكاة ماله فلا يجد أحدا يقبلها منه، وحتى تعود أرض العرب مروجا وأنهارا) رواه مسلم.

”Saacadda Qiyaamuhu dhici mayso jeer uu bato maalka, oo ay dhacdo in nin uu lasoo baxo zakaatka, oo uu waayo cid uu siiya ama ka aqbasho, iyo illaa uu dhulka Carbeed (waa gasiiradda iyo hareeraheeda) kusoo laabto maruuj iyo webiyo”. Waxaa weriyey Muslim.

Kalmadda maruuj, mustalix ahaan waxaa loola jeedaa dhulka geedaha iyo dhirta iyo daaqa badan leh ee barwaaqada ah ee xayawaannadu ay xaggiisa usoo hayaamaan.

Xaddiiskani waxaanu ka fahmaynaa in halkaasi meesha gasiiradda Carbeed iyo hareeraheeda, waa dhulka maanta ah angeegga ee yaabiska ahe, inay ahayd beri hore meel maruuj iyo webiya badan lahayd. Waxaa taas inoo caddeyneysa oraahda nebiga (NNKH) ee ah illaa ay lusoo ”laabato”. Sidaynu ognahay laabasho waa wax dhacay oo muddo kadib sidii oo kale u dhacaya. Haddii aanay wuxu horey u dhicin, lama oran karo laabasho, waayo taasu waa markii koowaad. Sidaa darteed baanu ka fahmaynaa hadalka nebiga ama xaddiiskiisa in ay dhulkaasi ka jiri jirtay webiyo iyo cagaar iyo barwaaqo aad u baaxad weyn.

Waqtiga uu nebi Muxammad (NNKH) sidaasi oranaya ma jirin fikrad kale oo arrinkaasi ayyideysay amaba jirtay xilligaas, mana jirin cid kale oo la qabtay arrinkaasi, waayo dhulkaasu xilliga uu ahaa sida uu nebigu tilmaamaya waa waqti aad u fog oo kumanaan sano ah sida immika ay culimada Geology-ga ku ogaadeen baaritaanno baaxad leh.

Xaqiiqada arrinkani ayaad mooddaa inaynu maanta arkayna ayadoo si cad u muuqato, waxaana cajiib ah, in culimada cilmiga Geology-ga haba ugu badnaadeen kuwa reer galbeedka ahe (maaddaama ay yahiin kuwa ugu horreeya) ay immika soo bandhigayaan caddeyma ah in dhulka Carbeed iyo gasiiradduba ay ahaayeen dhul aad barwaaqo sooran u ahaa oo dugaaggu uu si aad ah ugu noolaa.

Haddii aad gasha maqtacaan yar ee youtube-ka, waxaad arkaysaa Drs British ah oo xubin ka ah Jaamacadda Bristol oo sharraxaysa cusuurtii ay Jasiiradda Carbeed iyo bariga dhexe ay ahaayeen dhul barwaaqo sooran ah. 25 000 oo sano kahor, waxaa ay leedahay dhulka Sacuudi Carabiya wuxuu ahaa dhul barwaaqo sooran ah oo dugaaggu uu aad ugu badnaa.

Dhankaasi waxaa ka rummoobay oraahda xaddiiska ee tilmaamaysa in dhulka gasiiradda iyo Carbeed uu beri hore ahaa dhul maruuj iyo webiyo badan.

Dhanka kale waxaa xaddiiska ka muuqatay arrin shardi ahaan u muuqato oo ahayd ”Qiyaamuhu dhici mahaya jeer uu dhulka Carbeed kusoo laabto siduu macnaha ahaa oo ah maruuj iyo webiyo. Shuruudda ay Qiyaamuhu ku dhacaysaahi waxaa kamid ah in marka hore ay gasiiradda iyo dhulalka u dhaw dhaw ay noqdaan barwaaqo oo balliyo iyo webiyo iyo haro ay yeeshaan oo ay noqoto barwaaqo sooran.

Inkastoo Qiyaamuhu dhiciddeedu ay leedahay ashraat badan ama calaamada caddeynaya goorta la gaari doono, oo ay arrintanina kamid tahay, in badan oo calaamadahaasi kamid ahina aynu maanta arkayna, haddana maanta inoosoo bidhaamaya muuqaalkii calaamaddan kamidka ah calaamadaha Qiyaamaha. Waxaa rummoobaya shardi kamid ah shuruuddii ku xirneyd dhicidda Qiyaamaha.

Maalmahan gasiiradda Carbeed waxaa ka da’ayay roobab baaxad leh, oo dhaliyey shallaalaat iyo buxeyrooyin waaweeyn. Shallaalaat waa biyaha meelaha sare kasoo shubma, waxayna ku badan yahiin meelaha barwaaqa sooranka ah ee dhirta bidan. Roobabkani ayaa sababay in dhulku uu yeesho buxeyrooyin iyo haro waaweeyn oo aad moodeyso kuwa horey u jiri jiray.

Si aad u daawato mucjisadaan, fadlan ka daawo video-ga ku jira page-ka akhbaarta caalamiga ee Al Carabiya ee hoos kamuuqdo.

Halkan ka arag

Intaa kadibna, ma hanan karayno inaanu wax kale oranno, oo aynaan ka ahayn Subxana-Allaah. Tani waa mid kamid ah mucjisooyinka nebigeenna suubban (NNKH) ee Allaah sarreeye uu siiyey.

Yaa nebi Muxammad (NNKH) 14 qarni kahor u sheegey in dhulkaasu uu ahaan jiray dhul maruuj (barwaaqo ah oo balliyo, haro iyo shallaalaat leh) iyo webiyo badan? Yaase u sheegey inuu sidaasi kusoo laaban doono? Kumuu ogaan teknoloogi iyo qalab casri ah, balse arrinku waa waxyi Rabbaani ah. Alla may ku waantoobaan oo ay rumeeyaan kuwa dhoohani, Xabiibka uu Rabbi xaggooda raxmad ahaanta ugu soo diray.

Tani waxay muujineysaa dhawaanshaha Qiyaamaha, waana astaan kamid ah astaamaha dhicidda Qiyaamaha.

WD: Mohammed Tahir Abdi
Email: [email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News