Jowhar (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in halkaas saacadaha na soo aadan ay tegi doonaan wafdi ka socda dowladda fedaraalka Soomaaliya.
Wafdigan oo isugu jira wasiiro, xildhibaanno iyo saraakiil ciidan ayaa soo arki doona dhibaatada uu geestay Wabiga Shabeelle oo fatahaad xooggan ka sameeyay gobalka iyo dadkii ka soo barakay dagaal beeleed ka dhacay duleedka magaalada Jowhar.
Ammaanka magaalada Jowhar ayaa aad loo adkeeyay, gaar ahaan garoonka kubadda cagta magaalada, halkaasoo hadda si kumeel gaar ah ay ku soo degaan diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Helekobtarka loo yaqaano.
Maamulka Gobalka iyo shacabka ayaa ku eedeeyay dowladda in aysan waxbo ka qaban dhibaatooyinka gobalka ka dhacay.
Faah-Faahin goordhow naga filo
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho

