Dhadhabaab (Caasimada Online) Wafdi uu hoggaaminaayo wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Kenya Joseph Ole Lenku ayaa maanta booqday xeryaha qoxootiga dalka Kenya.
Wafdigga oo ay la socdeen danjiraha Soomaaliya ee Kenya iyo saraakii ka socda hey’addaha gargaarka ayaa waxa ay kulamo la qaateen qoxootiga Soomaalida, kuwaasoo ay u sheegeen in ay isku diyaariyaan siddii ay dib ugu laaban lahaayeen waddankooda.
Wasiirka arrimaha gudaha Kenya ayaa u faah-faahiyay qoxootiga heshiis seddax geesood ah oo dhex maray labo toddobaad ka hor Kenya, Soomaaliya iyo laanta qaxootiga ee Qaramada Midoobaykaasoo ku saabsan siddii dib loo celin lahaa qaxootiga doonayo inay noqdaan.
Waa wafdigii labaad oo booqda xeryaha qoxootiga Kenya oo martigaliyay nus malyuun qoxooti Soomaali ah, shaley ayey ahayd markii danjiraha Soomaaliya ee Kenya iyo xubno hey’addaha gargaarka ay la kuleen horjoogayaasha qoxootiga Soomaalida.
Si kastaba, dadka wax saadaliya waxa ay lee yihiin waxaa muuqata in dadka deggan xeryaha qoxootiga Kenya aanay weli diyaar u ahayn in ay ku laantaan dalkooda.
Howsha dib loogu celinaayo qoxootiga ayaa qaadan doonta muddo seddax sanno ah.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Nairobi

