Kismaayo (Caasimada Online) Xaaladda magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose ayaa caawa ka duwan habeenadii la soo dhaafay, kaddib markii galabta uu halkaas ka dhacay qarax lagu weerarray ciidamada Axmed Madoobe.
Magaalada ayaa lagu soo rogay bandow, waxaana la arkayaa ciidamo fara badan kuwaasoo taagan xaafadaha iyo wadooyinka magaalada sida uu noo sheegay goobjooge diidday magaciisa in aan soo xiganno.
Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintay qaraxa in ka badan siddeed kalena waa ay ku dhaawacmeen.
Qaraxa oo ahaa mid meelaha fogfog laga haggo ayaa ka dhacay wadadda jay ah cadaha oo kala qeybisa xaafadaha Shaqaalaha iyo Guul-wade ee magaalada Kismaayo.
Qaraxa kaddib waxaa goobta qaraxa ka dhacay soo gaaray ciidamo ka tirsan maamulka Jubba, kuwaasoo dhowr qof qabqabtay.
Ma jirto ilaa hadda cid ka hadashay qaraxa galabta ka dhacay Kismaayo, oo aad looga maqlay dhawaqiisa magaalada oo dhan.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho

