28.5 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Faahfaahin: Weerar lagu qaaday Hotel ku yaalla Bosaso & dad laga afduubtay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Boosaaso (Caasimada Online) Waxaa faah-faahin laga helayaa weerar xaley kooxo hubeysan ay ku qaadeen hotel ku yaalla magaalada Boosaaso ee gobalka Barri.

Goobjoogayaal ku sugan Boosaaso ayaa u sheegay Shabakadda Caasimada Online, hotelka la weeraray oo lagu magacaabo London Hotel, laga afduubtay dad ajnebi ah, balse tira sax ah lama hayo.

“Weerarka ayaa soday muddo, waxaana kooxda soo weerartay ay isku dayeen in ay gudaha u soo galaan dhismaha Hotelka” sidaas waxaa yiri goobjooge ku sugan Boosaaso.

Maamulka Puntland, ilaa hadda kama hadlin weerarka xaley lagu qaaday hotelka ku yaalla Boosaaso.

Hotelka ayaa waxaa degannaa dad ajnebi ah iyo dad Soomaali ah.

Wararkii ugu dambeeyay, waxa ay sheegayaan in ciidamada ammaanka Puntland ay tageen hotelka, iyagoona rasaas is dhaafsaday ilaalada hotelka.

Wariayasha ku sugan Boosaaso ayaa arrintan ka gaabsaday weerarka lagu qaaday.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Boosaaso

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News