28.5 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Buur Madow: Khilaafka Xasan & Saacid waxaa ka muhiimsan wada hadalka S/L

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Berbera (Caasimada Online) Boqor Aw-Maxamuud Cismaan Buur-Madow oo ka mid ah salaadiinta ka soo jeeda gobalada waqooyi ee dalka, ayaa ka hadlay dib u dhac markale ku yimid wada-hadalladii u socday dowladda fedaraalak Soomaaliya iyo Maamaulka Somaliland.

Isagoo la hadlaayay Idaacad ku taalla Muqdisho, ayuu sheegay khilaafka madaxweynaha iyo raysal wasaaraha uu ka muhiimsan yahay wada-hadalada u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland.

“Madaxweyne iyo raysal wasaare khilaafkooda waxaa ka weyn masiirka, annigu waxan qabaa in uu sii socon karo wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, waa in guddiyo ay soo dirraan dowladda si labada dhinac ay uga faa’ideestaan horrumarka jira” ayuu yiri Boqor Buur-Madow.

Hadalka Boqor Buur-Madow ayaa ku soo beegmaya kaddib markii labo maalin ka hor wasiirka arrimaha dibedda Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis uu sheegay in dib loo dhigay wajigii seddexaad ee wada-hadalada Dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland kaasoo lagu ballansanaa magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland ayaa lagu wadaa in ay qabsoomaan baisha Janaayo ee sannadka dambe 2014.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News