28.5 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Soomaali lagu xiray dal aan laga fileyn in uu tallaabada sameeyo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Khartoum ee xarunta dalka Sudan ayaa sheegaya in halkaas lagu xiray in ka badan 24-qof oo Soomaali ah.

Dadka la xiray waxaa ku jirra sagaal dumar ah,sida ay lee yihiin Soomaalida ku dhaqan dalka Sudan.

Dadka la xiray waxa ay la socdeen dooni ka timid dalka Yemen taasoo ku xiratay dekedda Port-Sudan ee dalka Sudan.

Ciidamada ammaanka ayaa ku eedeeyay dadkan in ay si sharci daro ah ku galeen dalka Sudan, isla markaana hadda la weydiinayo su’aallo.

Sudan waxa ay ka mid tahay dalalka ay sii maraan Soomaalida u tahriibaysa Yurub , waxaana ay ka soo galaan xudduudda Itoobiya iyo Koonfur Sudan.

Dekedda Port- Sudan waxay ku taallaa waqooyi Bari dalka Sudan, 675 KM ayayna u jirtaa magaalada caasimadda ah ee Khartoum.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News