Muqdisho (Caasimada Online) Raysal wasaarihii horre ee Soomaaliya iyo qaar ka mid ah golihiisa wasiiradda ayaa maanta oo Khamiis ah kulan ku yeeshay Muqdisho.
Kulanka markii uu soo dhamamaday waxaa shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa raysal wasaaraha xilka ka degaya ee Saacid, isagoona ugu horreyn sheegay in uu soo dhaweenaayo go’aanka ay qaateen baarlamaanka kuwaasoo codka kalsoonida kala noqday.
“Maanta waxaanu yeelanay kulfadhigii golaha, tan iyo markii uu soo baxay go’aanka baarlamaanka 2-dii bishan December, waxaanu ka hadalnay sidii caadadu aheyd umuuro badan oo howlaha Qaranka quseeya, gaar ahaana go’aankii Baarlamaanka, markii aanu dhinacyo badan ka eegnay, waxaa anigoo aad uga mahadnaqaya golaha Xukuumadu ay mar labaad ila garteen liana ayideen inaanu taageerno, isla markaana aqbalno go’aanka Baarlamaanka, waana sidii aan hadda ka hor 3-dii bisha warqad aan u gudbiyay Gudoonka baarlamaanka iyo madaxweynahaba u gudbiyay” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid oo xusay markii hore uu ku yimid isaga iyo golaha Xukuumadu si sharci ah isla markaana haatan maray wadada ugu haboon ee sharciga ah.
“Inaanu u hogaansano go’aanka Baarlamaanka sharaf iyo taariikhbey noo tahay runtii” ayuu mar kale yiri Ra’iisul Wasaare Saacid.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ayaa u mahadnaqay Xubnaha golihiisa Wasiirada iyo dhamaamba hay’addaha dawliga ah sidii hufneyd ee ay ula soo shaqeeyeen intii uu xafiiska hayay mudada halka sano aheyd.
Saacid ayaa sidoo kale sheegay in uu soo dhaweyn doono raysal wasaaraha cusub ee uu soo magacaabi doono madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna caddeeyay in uu la shaqeen doono.
Ugu dambeyn raysal wasaarihii horre ayaa ugu baaqay baarlamaanka Soomaaliya in hab dhaqan fiican ku soo dhaweeyaan raysal wasaaraha cusub iyo xukuumadiisa.
Wuxuu uga digay xildhibaannada baarlamaanka in aysan ula dhaqmin sida isaga iyo xukuumadiisa ay ula dhaqmeen baarlamaanka kuwaasoo didday in uu iska difaaca eedeeaha loo soo jeediyay.
Waa hadalkii ugu horreeyay oo Saacid uu jeediyo tan iyo markii uu waayay kalsoonida baarlamaanka toddobadkii horre.
Waxaa ka muuqday raysal wasaarihii horre qof isku kalsoon oo wax wal wal ah aysan ka muuqan intii uu waday shirka jaraa’id maanta sida uu ku soo warramay wariyaha Shabakadda Caasimada Online ee Muqdisho.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho